HUBAAL KA AKHRI: Xoggo Kale Oo Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Gantaalladdii Ku Soo Caaryay Xeebaha Somaliland Iyo Halka Ay Ka Hawlgalaysay

0
31

Hargeysa (Hubaal) – Xafiiska afhayeenka arrimaha bulshada ee ciidamada Baada Maraykanka (U.S. Naval Forces Central Command Public Affairs) ayaa shacisay Horaantii bishan September ee aynu ku jiro in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter oo ay leeyihiin ciidamadda Maraykanku ay ku dhacday Gacanka Cadmeed.

kkhh
Madaxda ciidamadda maraykanku waxaa ay tilmaameen in diyaaradani ay ka mid ahayd Qalabka ay adeegsato guutada 22 aad ee ciidamadda Badda Maraykanka, (Marine Expeditionary Unit (MEU) Diyaaradda Helicopterka ah oo noociidu ahaa (CH-53E super stallion,) ayaa ku dhacday Gacanka Cadmeed sida warka lagu sheegay waqti ay saacaddu ahayd 2-dii duhurnimo, iyaddoo helicopter-kaasi, waqtiga uu dhacay la damacsanaa inuu ku dego oo la fadhiisiyo Markab kuwa culus ee Ciidamada ah oo lagu magacaabo {USS Mesa Verde (LAPD 19) oo ku sugan gacanka Cadan.
Ciidankii saarnaa Helicopterkaas oo lagu sheegay inay tiradooda guud ahayd 25 qof ayaa laga badbaadiyay. Ciidankan ayaa warku sheegay in ay 17 ka mid ahi ahaayeen ciidamadda mariniska iyo 8 ka mid ah uun ciidamada bada balse si gaar ah loogu tilmaamay qayb loo yaqaan Navy Sailors. waxana warku intaa ku darayaa inay dhamantood la badbadiyay 25-ka Askari ee saarnaa, oo la saaray markii danbe Markabka USS Mesa Verde.
Waqtiga Diyaaradu dhacday oo ahayd bishan kowdeedii (September 01, 2014,) waxaa ay ciidamadda Maraykanku sheegeen inay badhis wada jir ah labada laamood ee ciidamada bada ee Navy-ga iyo kuwa Marines-ku ay ku samaynayaan, sababta keentay in Helicopterkaasi uu dhacdo, iyadoo ku jirta hawl-gal Tababar ahaa oo ciidamadani ku sameeyeen Xeebaha Badda dalka Djibouti oo ciidankani daganyahay.
Markabka USS Mesa Verde ee diyaaradani ka hawlgalaysay ayaa ka mid ah gutada 22-aad ee ciidamada Maraykanka (Marines Expeditionary Unit), kuwaas oo marka magacoodda la soo gaabiyo loo yaqaan MEU, oo hoos taaga laanta gurmadka deg dega ah ee Bataan Amphibious Ready Group oo ka mid ah taliska gud ee ciidamada Militeriga Maraykanka. {US Central Command Area of Responsibility.}
Diyaaradan ayaa loo malaynayaa mid doraad Gantaal saaraa ay Ciidamada Badda Somaliland ka heleen Xeebaha Somaliland. Taas oo aan la cadaynin cidda lahayd. Islamarkaana taliska xeebuhu tilmaamay inay baadhis ku samaynayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here