Ilaaha baa mahad oo dhan iska leh. Ilaaha aduunka qaybsha ee dalkan Somaliland qayb noo siiyay ayaa mahad iska leh. Mahad Alle ka dib, waxa nagu waajibay Somaliland-neey in aannu kuu mahadnaqno.
Kuu maanaan mahad naqin, ee raali naga ahaw!, Waxa nagu waajibay sidii aad noo daryeeshay in aan kuu daryeelo.
Kuu maanaan daryeelin, eeraali naga ahaw.Waxa nagu waajibay in aannu dad ahaan dunida ka dhex muuqano; oo aragaaga iyo astaan taadu meel marto.
Dunida kama muuqano; aragaaga iyo astaan taadunu ma meel marin; ee raali naga ahaw.Waxa nagu waajibay in aanu dushaada dawlad caadil ah oo casri ah ka dhisino.
Dawlad caadil ah oo casri ah ka maanaan dhisin dusaada, ee raali naga ahaw. Markii aad gilgilatay ee aad gunimo diiday, waxa nagu waajibay in aanu dadkii goba nimadaad u naf baxay ama u naafoobay xurmayno. Maanu xurmayn oo maanu xanaanay, ee raali naga ahaw. Waxa nagu waajibay in aannu dhisno maamul daacad ah oo danwaadago ah oo dulmiga tira, danyarta ilaalsha, dadweynahana dhegaysta oo siyaasiga daydayga ah deedifeeya. Maanaan dhisin ee raali naga ahaw.
Diir baannu noqonayoo,
Deegaankeenii ayaanu xaalufinay.
Dayday baanu noqonay.
Danyartii ayaanu baadhanay.
Dawladnimadii, nin dibray,
nin debbed ka yimi iyo
nin dayday ah ayaa afduubay.
Dibjirkii, derbijiifkii, danyartii,
da’ yartii, iyo dadweynihii
darxumo iyo daranyaa heshay.
Da’ yarti waa dideen,
waa dooleen, waa doogsin carareen.
Lama Degaan, doon-badeed, iyo dugaag baa laayay.
Haddana: Dushoodaannu isku haysanaa; dushaadaannu isku haysnaa. Waxa lagu dan seegay, waxa lagu dad seegay, waxa lagu dal seegayna:
“Dayaxu waa kabash kabash leeyahay iyo madaa kabo u tolaya?” Eee raali naga ahaw, dalkayagow!!!