HUBAAL KA AKHRISO: Lamaanne Cishqigoodu Ka Bilaabmay Ololihii KULMIYE Oo U Dabran Dhaqaallihii Ay Ku Aqalgeli Lahaayeen

0
28

Waxaan Ka mid ahaa dhalin yaradii Xusbiga kulmiye ku biirtay markii la asaasay, ee ka qayb qaadanayay olalahii xisbiga ee Dhalinyarada lagu wacyi galinayay kamid noqoshada xisbiga. ololahii u danbeeyay ee xisbiga kulmiye kula tar tamayay asxaabta kale kursiga madaxtooyada ayaa aniga iyo koox kale oo dhalinyaro isugu jiray Wiila iyo gabdho, waxaanu u baxnay deegaano kamida dhulkii sida wayn looga taageeray, gaar ahaan gobolka togdheer si’aanu ugasoo fulino ololahii la xidhiidhayay wacyi galinta bulshada, hasa yesshee kooxdan aanu wada soconay ayaa waaxay isugu jirtay dhalinyaro dhawaan xisbiga ku soo biirtay iyo kuwo hore ugu sii jirayba, nasiib wanaag waxaanu kusoo guulaysanay hawshii aanu u baxnay ee ahayd wacyi galinta ololahii xisbiga kulmiye balse intii aanu kujiray hawshiii wacyi galinta oo ahayd mudooyin kala duwan, ayaa aniga iyo inan kamida hablahii aanu wacyi gelita ku wada jiray ayaa waxaa qudhayadii naga dhex bilaabmatay olole jacayl oo midkaayaba sigaara u saaqay.
Haseyeeshee, waxaanu dhex dabaalano badwaynta jacaylkaba, waxaanu ku balanay in marka uu guulaysto xisbiga kulmiye Axmed Siillaanyo ee uu ku fadhiisto kursiga hogaaminta dalka, inaguna aynu yagleeli doono aqalgal keenii iyo arooskeenii inta ka horeysa na uu inoo dabranaado oo aynu ka shaqayno danaha xisbiga.
Waxa doorashadii ku guulaystay xisbigii kulmiye ee Axmed siilaanyo, waxa uu noqday madaxwayne waxaana rumowday himiladayadii kowaad waxanu bilawnay sidaanu ugu diyaar garoobi lahayn sidii aanu u dhamaystiri lahayn balantii aanu galnay oo ah diyaarinta aroos kayagii iyo guri aanu kuwada noolaano.
LAMAANNE CISHQIGOODU KA BILAABMAY OLOLIHII KULMIYE OO U DABRAN DHAQAALLIHII AY KU AQALGALI LAHAAYEENNasiib darrose waxaa geeriyooday aabahay, taasina waxay dib u riixday qorshahii arooskayaga. dhibta aduunyo way badan tahaye, waxaad doonaysaana kuuma wada dhamaadaan, waxaanagu adkaaday waayahii aduunyo waxaananu waynay dhaqaale aanu ku aqalgalno, waxaana sii kordhay jacayl kaygii na dhexyaaley ee ka bilaab may ololahii xisbiga kulmiye ilaa hada waxaanu u dabranahay dhaqaalahii sidaas awgeed madax waynaha qaranka Axmed Maxamed siilaanyo iyo marwadiisaba iyo dhamaan madaxda iyo hogaanka kulmiye waxaanu ka codsanaynaa inay gacanka gaystaan aqal gelinta jacaylka yagan iyo aroosida lamaanahan jacayl koodu ka bilaabmay ololahii kulmiye sidoo kale waxaanu ganacsatada iyo shirkadaha waawayn ka codsanaya inay gacan dhaqaale oo aanu ku aqal galno nagu caawiyaaan.
Maxamed Maxamuud Nuur.
Burco, Somaliland
Account Number:11705
Tel: 0634324850
E-mail: maxamedyare850@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here