HUBAAL TV: DAAWO Qaabkii Ay Maanta U Qabsoontay Xafladdii Qalin-jebinta Dufcadda 13aad Ee Jaamacadda CAMUUD+Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyey+Muuqaallada Jewigii Madasha
Boorama (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyinkoodii gudoonsiiyay 621 arday oo ka qalin jabiyay 12 kulliyadood ee jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
Xafladii loo sameeyay qalin-jabinta dufcaddii 13-aad ee Jaamacadda Camuud oo lagu qabtay xarunta jaamacadaasi waxa madaxweynaha kala qeyb galay xubno badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Madaxtooyadda, arrimaha gudaha, boosaha, xidhiidhka Goleyaasha, macdanta iyo Wasiirul dawlaha waxbarashadda iyo tacliinta Sare.
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay madaxweynaha Somaliland oo si joogto ah inta badan ugala soo qeyb gala xafladaha qalinjabinta jaamacadda, waxaanu tilmaamay in dufcaddan oo ah tii 13-aad ay ka qalin jabiyeen 621 arday oo ah tiradii ugu badnayd oo ka aflaxday 12 kulliyadood oo jaamacaddu bixiso.
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud waxa uu si gaar ah u ammaanay arday tiro badan oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho oo dhego la’ oo ka qalin jabiyay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas.
Prof. Saleebaan Axmed Guulleed waxa uu u mahad celiyay macalimiinta jaamacadda oo uu xusay inay dedaal weyn geliyeen sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoon leh oo dhisan. Waxa kale oo uu bogaadiyay waalidiintii la soo kifaaxay ardaydan.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardaydan qalin-jabisay waxaanu sheegay in tirade badan ee ardayda ka soo qalin jabinaysa jaamacaduhu uu calaamad wanaagsan u yahay horusocodka dalku samaynayo oo bulshaddu u soo jeedsatay dhinaca waxbarashadda.
Madaxweyen Axmed Siilaanyo waxa uu ardaydan u soo jeediyay inay samir u yeeshaan inta ay helayaan fursado shaqo oo ay dalkooda ugu shaqeeyaan. Waxaanu ku dooday in xukuumadiisu ay dedaal ugu jirto sidii shaqooyin kala duwan loogu abuuri lahaa da’yarta.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu la dhacay oo uu ku farxay ardayda dhegooleyaasha ah ee markii u horsaysay ka qalinjabisay heer jaamacadeed, waxaanu ammaanay dedaalkooda.
waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirul-dawlaha waxbarashadda Axmed Nuur Faahiye iyo masuuliyiin kale oo tallooyin u jeediyay ardayda qalin-jabisay.