Aniga oo ah Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar, waxa aan ka jawaabayaa hadallada doc-ka-yeedhka ah ee ka soo baxaya qaar ka mid ah guul-wadeyaasha Xukuumadda Siilaanyo ee wakhtigeedu dhacay.
Tuducyo ka mid ahaa gabay uu Abwaan Qaasin Ilaahay ha u naxariisto’e kula hadlayay maamulladii Soomaaliya waxa uu kuyidhi:
Cirsan-ka-yeedhkii war buu, sheegay Caliyowe
Xiddigaha casaadiyo dayaxa, caadka lagu meershay
Caammadu waxay moodaysaa, curasho dayreede
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye
Cisho aan dhaweyn waxay beddeli, ciidan fara weyne
Caaddaa rag marayuu nabsigu, hoos u soo celine
Caanuhu dhawaan way ka quban, ciil rag loo qabaye
Waa marka kowaade waxa aanu raacsannahay sida ay sheegeen Guddoomiye Cirro, aqoonyahannada iyo daneeyayaasha doorashada ee Caalamku, marka ay gaadho 26ka Juun in aanu Madaxweyne Siilaanyo ahayn madaxweyne ee uu la mid yahay dadka shicibka ah ama madaxda xisbiyada kale. Ummadda Somaliland-na maalinta ay gaadho 26ka Juun ee ay ka dhammaato Madaxweyne Siilaanyo ma bixin doonaan cashuur, waayo shan sannadood oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalka hoggaaminayay ayay dalka cid kale u talinaysay. Ummaddu ma qaadi karto maalin kale oo bilaa Madaxweyne ah, sababta oo ah Madaxweyne Siilaanyo haddii uu masuul ka yahay waxa dalka ka socda oo ay taladu gacantiisa ka go’do may dhaceen waxa maanta ka dhacaya Somaliland.
Waxa aad arkaysaa digreeto Madaxtooyada ka soo baxday sida Cali Xaammud Jibriil oo ahaa wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada oo inta laga qaaday lagu yidhi ‘waxa aan xilka kaa qaaday markaad xilkaagii gudan kari weyday’. Wakhti kooban kaddib waxa soo baxday digreeto kale oo lagu yidhi ‘markaan arkay in uu hanan karo xilka, waayo-aragnimadiisa iyo kartidiisa waxaan u magacaabay wasiir’. Arrintaasi marka uu eego qof kasta oo caqli leh oo ay u dhexaysay wakhti toddobaadyo ahi la dheehanayo in ay ceeb ku tahay dawladnimada.
Had iyo jeer waxa la arkayaa wasiiirrada Siilaanyo oo isu jawaabaya sida mid leh ‘SONYO waa la xayiray’ halka midna uu ka odhanayo ‘xil-wareejin ayaan SONYO u samaynayaa’. Mar kale rag ayaa odhanaya wasiirro ah ‘markabkii waanu ka rognay hubka’ kuwo kalena waxa ay odhanayaan ‘waanu sii deynnay markabkii hubka siday’ arrintaasi waxa ay jahawareer iyo qas ku abuurtay ummadda. Waxaad arkaysaa wasiirro leh ‘hantidii ummadda ayuu tunku nagu weynaaday’ waxaad arkaysaa qaar leh ‘doorashadu xilligeeda ayay ku dhacaysaa’ qaar leh ‘waa la kordhinayaa’ iyo kuwo leh ‘madaxweynuhu ma taliyo’e waxa taliya gabadhiisa’.
Haddaba, lama yaabin kuwa wasiirrada ahe ninka la yidhaahdo Muuse Biixi Cabdi-dameer oo lagu yidhi xisbiyada mucaaridka ah ku jawaab isna leh ‘sharci ayaa la marinayaa’. Sharciga uu sheegayaa miyaanu isaga qabanayn. Isaga ayaa yidhi ‘dalka waxa jooga argaggixiso, ninkii Jabuuti qarxiyayna waxa uu Hargeysa joogay 23 cisho’. Haddii uu shaqaynayo sharciga uu sheegayaa saw may ahayn in isaga la mariyo?. Isaga ayuu ahaa ninkii shaannida tuurayay ee uu Madaxweyne Siilaanyana afkiisa ka yidhi “Muuse-shaanniyow”.
Haddaba waxa aan leeyahay ninka la yidhaahdo Ina Cabdi-dambeerow odhaah ka mid ah gabaygii uu Salaan Carrabay ee Guba ku jirtay ayaa ahayd
Muusow hadalka waad geftee, kuuma soo geline
Markuu farasku kula gaabiyay een, gegada kaa qaatay
“Gam” inaad tidhaahdaan ku waday on, Cai ganaxaaye
Naagtii gambada taabatee, gacanta loo maydhay
Ee gelisay meeshii haddana, gabaygu saw maaha?
Hadalka Muuse Biixi sidaas ayuu ka dhigan yahay. Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye waxa uu ka dhacay Burco 2008da, waxaanu ahaa shan sano. Waxa uu marayaa laba sano iyo badh muddo-dhaaf ah. Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye waxa uu ahaa Abril 2014ka, waxaana la qabsay in lix bilood lagu doorto murashixiinta. Maantana waxa uu marayaa sannad ku dhawaad, miyaanay ahayn in Guddiga Diiwaan-gelintu sharciyadda kala noqoto sidii UDUB?. Waxaan leeyahay Ina Cabdi Dameerow ‘ninkii tiisaba daryeela, ayaa walaalkiina tiirsha’.
Xisbiga KULMIYE ayaa u baahan inaad dhisto oo aad ka hadasho oo golihii dhexe iyo gobolladiiba madhan yihiin oo laga wada baxay. Isaga ayaa u baahan inaad ka hadasho oo aad dhisto, KULMIYE ayaa u muuqda mid saaxadda ka baxay. Shalay ayay ahayd markaad lahayd ‘dhengad ayaa la ila dhacay’. Shalay ayay ahayd markaad lahayd ‘wasiirrada Siilaanyo waxa ay sheegeen beentii qarniga’. Shalay ayay ahayd markaad lahayd ‘Isbayn waxa lagu reebay wareeggii hore ee ciyaaraha, anna waa la iga adkaaday’. Ma tihid ninkii ay qof dumari inta ay soo toosiso ku odhan lahayd ‘hebel u jawaab’. Qofkuna in uu is-dhegaysto oo waxa uu ummadda kula hadlayo shalay iyo maanta ummaddu qiimayso ayaa wanaagsan.
Hadalka Cali Warancaddena wax ka soo qaad malaha, waa nin ka baqanaya busaaradda libaaxyada isaga oo ku fashilmay hawshii ammaanka ee loo xilsaaray. Isla markaana ay gacantiisa ka maqan yihiin nabadgelyadii loo xilsaaray. Adiga waxa meesha laguu geeyay in aad xasilloonida ka shaqayso, laguuma magacaabin in aad xisbiyada u jawaabto. Waa in aad ku ekaatid shaqadaada, duufaanta siyaasadeed ee dhacayaana hadal aad meel ka sheegto uma joogsanayaan, haddii ay nabadgelyo xumo yihiinna waxa wada xukuumadda Siilaanyo oo ciidammadii ayaa dhul-jiif gelaya oo dadka jidgoyn u gelaya.
Miyaydaan markaa nabad-gelyo darrada gudihiinna aydaan ka masuul ahayn? Sidaas darteed, cadceed soo baxday sacabbada laguma celin karo. Adiga, Ina Cabdi Dameer iyo mid la mid ahi ma joojin karo rabitaanka ummadda Somaliland. Waxa aan ku soo gebagebaynayaa, haddaanu nahay Imaamyada waxa aanu masuul ka nahay ummadda Somaliland in ay si nabadgelyo iyo wanaag ah ku wada noolaadaan. Siilaanyana kursiga xoog kuma qabsan, hadduu doorasho qaban waayana Somaliland u burburi mayso ee isaga iyo afarta nin ee beenta u sheegaya ayaa meesha ka tegi doona.
Hadday Siilaanyo ka go’do talada dalku, maalin qudha ma uu qaban shir-jaraaid. Xilli walba qol madaw ayaa sidii Usaama Binu Laadin wax lagaga soo duubaa. Muxuu shir jaraaid u qaban waayay ee uu ayaan qudha dadka ula hadli waayay?. Marka ay gaadho 26ka Juun 2015ka haddii Alle idmo waxa looga fadhiyaa xukuumadda in ay doorashadu qabsoonto. Halku dhegga sannadkuna waxa uu noqonayaa ‘26ka Juun’.
Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar
Imaamka Guud ee Beelaha Somaliland
Hargeysa