“Muuse Biixi Iyo Axmed Siillaanyo Way Is-Ogyihiin Ee Rag Baa Daaqadda Ka Baxaya” Guddoomiyaha Awal Galbeed
Gabiley (Hubaal) – Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle (Yuusuf Dabalule), ayaa taageeray dhawaaqii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ee uu ku iclaamiyay inuu xisbiga gudihiisa uga tartami doono Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE uga qayb-geli doona doorashooyinka Madaxtinimada ee Somaliland.
Yuusuf Cilmi Ayaanle Gudoomiyaha Awal Galbeed oo isagoo ku sugan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in Murashaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ay u quus goysay rag badan, waxaanu yidhi:
“Madexweyne Siilaanyo markii uu Mujaahidka ahaa waxa na barey illaahay ka sokow ragii aanu naqaaney ee Macruufatal Qadiinmka ahaa ee ragii Korneylada ahaa ee halganka Milatari ee SNM qaabilsanaa, markaasaanu markaliya ku dhawaaqney, heestii qaaxo Taariikhda gashey Siilaanyo Siilaanyo Siilaanyo Sacad Muusow Siilaanyo, helalee helalee. Markii dalka la soo galey ee Xiligii Xisbiyada la soo gaadheyna beelaha Galbeedku taageeradoodu waxey aheyd mabada’a soo jireen ah. Beesha Gabiley waxey tuurtey oo Xukuumadii Rayaale siisey Agaasimayaal ciidaa ka badan, Ceelasha Biyaha iyo Cusbitaalada iyo huramarkii la taaban karayay ee Rayaale Gabiley ka sameeyay maalin Maalmaha kamid ah waanigii lahaa qofka aan mahad naqin illaahay uma mahadnaqo, waxa aanu u arki weynay waxaas oo dhami wuxu ahaa kalgacal ay u qabeen Taariikhdii halganka iyo Axmed Siilaanyo, taasi oo go’aanku ahaa in maalinba nin ka mid ah Kulmiye kalagacal loo qaado waxaanay keentey laba Doorasho oo is xiga in Loo Guur iyo gaabsi seego Siilaanyo waxaanu raali ku ahaaney inaan Agaasime naloogu badelin tobaneeyihii aanu diidney. Al xaasil muraad waxa la soo gaadhey saacadii aanu abaal marinta sugeynay, waxaanuna kalsooni buuxda ku qabnaa in Madexweyne Siilaanyo iyo ragga dhinaciisa ah ee caqliga fiicani ku taageersan yihiin Murashaxnimada Muuse Biixi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Awal Galbeed.
Waxa kale oo uu hadalkiisa intaa ku darey “Halku dhigayagu waxa weeyi Maanta Rag waxaan ku maamuli aqaan ama aan ku maamuusi masno inaanu nahey oo Tolnimo meerta noo tahey. Aniga la ima marsiinayo ninkaan buurta dheer guradeeda anigu gaadhsiiyay in uu tu ka dheer igaadhsiiyo ayaan uga fadhiyaa,” ayuu raaciyay Yuusuf Dabalule.
Ugu dambayntiina Guddoomiyaha Awal-galbeed waxa uu sheegay in Madexweyne Siilaanyo, aanu dhinacna uga beydhsaneyn Mujaahid Muuse iyo badheedhihiisa, waxaanu hadalkiisa ku soo xidhay oo uu yidhi: “Rag balamey ninka dhexdooda soo galow waxaad noqon doontaa mid daaqada ka baxa beri.”