“Maxkamad waxan ka sarreysa ayaa jirta oo ah maxkamadda rayul-Caamka oo waa maxkamadii akhristayaasha, Xukuumaduna….”

0
58

Mujaahid Xasan Ciise Oo Si Adag Uga Hadlay Madax-dhaqameedka Koonfurta Soomaaliya Ee Dalka Ku Sugan Iyo Xadhiga Madaxda HAATUF
“Odayaashu Waxay aniga iila eeg-tahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo direy, oo uu ku yidhi”Wareysi Xasan Ciise Jaamac.
“Maxkamad waxan ka sarreysa ayaa jirta oo ah maxkamadda rayul-Caamka oo waa maxkamadii akhristayaasha, Xukuumaduna….”

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedkii XAQSOOR Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa ku eedeeyey madax-dhaqameedkii ka socday Koonfurta Soomaaliya inuu soo direy Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xassan Ciise waxaa uu ku dooday in odayaashan loo soo diray inay Somaliland ku celiyaan Soomaaliya. isaga oo ku sababeeyey haddii ay doonayaan inay wax inaga bartaan “Beri horre ayey inoo iman lahaayeen oo imika intii aynu Xamar kala maqnayn waxay gaadheysa 24-sanadood,” Ayuu yidhi, waxaa kale oo ku tilmaamay xadhiga rumaanka ah ee loo direy Guddoomiyihii Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftihii Wargeyska Axmed Cige inaanay ahayn arrin meesha qabata iyada oo aan gartiiba la niqin oo aan la bilaabin-ba in la xidho.
xasan ciiseMujaahid Xasan Ciise waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale).
Mar la weydiiyey Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedkii XAQSOOR Mujaahid Xasan Ciise sida uu u arko xadhiga rumaanka ah ee ay Maxkamada Gobolka Hargeysa u dirty Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii Wargeyska Axmed Cige maalintii shalay ee Sabtida ahayd,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi“Adduunka dulmi farra baddan ayaa soo marey,markaa waa arrimo qaaliya oo ay umadda oo dhami wada ilaashato,oo dawlada la doonayo inay dhinaceeda ka ilaaliso ay waajib ku tahay.Wargeyska HAATUF iyo wargeyskii HUBAAL ee ka horeeyey in la xayiraa waxay ahayd qalad,haddii la leeyahay wargeysyadu waxay soo qoreen wax khalad ah waxay ahayd in la saxo,Soomaalidu waxay tidhaahda ‘Go’aaga haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa, oo laguma dagaalamo,wargeysyadii wax qorey waa lala dagaalamay oo waa la burburiyey, oo waa la cabudhiyey oo waa la dulmiyey,oo waa la dilay,marka jariirad la joojiyo waxa weeyaan waa la dilay in heerkaas la gaadhsiiyo may ahayn ee waxay ahayd in la saxo, haddii la leeyahay wax ayey khaldeen.Go’aagiiba la yidhi haddii lagugu qabsado ka gar bax, waaba go’aanad lahayn haddii lagugu qabsado oo la faaleeyo, go’a aanad lahayn waxa weeyaan xilka umadda loo hayo, ee ay xukuumaddu hayso ee ammaanada ku ah ee dadku leeyahay ILAAHAY ka sakow,dadka xukuumadda hogaaminayaa ee madax ka ah ee Wasiirada ah ma lahaa go’an la faaleynayo,haday u qaataan oo ay isa siiyaan inay leeyihiin….Bal ka waran haddii aad ku dagaalanto go’a aanad lahayn? waa arrin ceeb ah oo qalad ah oo aanay umaddu geyin oo loo baahan yahay inaan loo noqon.Markaa halkaa hore ayey arrintu ka khaldantay waxa ku filnayd haddii ay jariiradu wax khalad ah soo qortey in maqaal la soo qoro oo qolyaha ay khuseysa ay soo qaraan oo ay yidhaahdaan maqaalkii hore meesha aad ku qorteen kan sixitaanka ahna ku qora, waajib ayey ku ahaan lahayd inay Wargeysyadu qoraan,haddii ay diidaan markaas ayaa laga gar heli lahaa, laakiin hadaan laguba dayin in la saxo oo la banaday halkaas ayey arrintu ka qaloocatay, wixii ka danbeyeyna waa waxa weeyaan khalad khalad sii fuulay uun oo sii dhooqoobay.Imikana jeelkan la leeyahay waa loo direy mid meesha loo fadhiyeyba maaha salacalee gartiiba yaa naqay oo bilaabay-ba,oo ma iyadaaba gartiiba dhamaatay oo qofku waaba eedeysane, dawladu inay soo gashaba maaha,haddii la leeyahay dad ayey caayeen, dadkaas ayey tahay inay kiis rayid ah soo oogaan, oo dawladu arrimahaas ma gasho, qofku rayigiisa waa u xor oo afkiisana waa u xor oo xorriyatul-qawl ayaa jira.Saxaafadana waxa ku filan iyada oo aan halkaas la isla gaadhin sixitaan la saxo,”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maxkamad waxan ka sarreysa ayaa jirta oo ah maxkamadda rayul-Caamka oo waa maxkamadii akhristayaasha,waa maxkamadii shicib weynaha, kuwaas ayaa ka garnaqaya oo siyaasiyan oodhanaya maqaalkii hore ee ay jariiradu soo sheegtay ayaa sax ah, ama ka danbe ee sixitaanka ku yimid ayaa sax ah”
Sidoo kale,Mar la weydiiyey Mujaahid Xasan Ciise sida uu u arko Madax-dhaqameedka ka socda Koonfurta Soomaaliya ee Todobaadkan yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Arrintaas markii aan maqlay aad iyo aad ayaan uga xumaaday,sababta oo ah waxaad mooda inay odayaashu af-gobaadsadeen markii ay yimaadeen oo ay leeyihiin waxaanu doonaynaa nabadgelyada aad ku naaloonaysaan sidaad u sameysataan inaan idinka barano,fili maayo inay taas u socdeen waxay aniga iigu eeg-tahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo direy odayaashan, oo uu ku yidhi Somaliland soo celiya oo gacanta iga soo geliya,arrintani sidaas ayey u eeg tahay si kale oo ay micno ku sameynaysa ma jirto marka arrinta meesheeda loogu tago, markii aan arrintaas maqlay ee la yidhi odayaal ayaa imanaya aad iyo aad ayaan uga xumaaday, waayo nimankeeni ay ahayd inaynu weerar galno, oo ay ahayd inaan hogooda ugu tagno kuwaas iyo cidda kale ee ay arrinteena ictiraaf raadintu khuseyso oo laynaga fadhiyi-waayo oo aynu cidkasta meesheeda ugu tagno, oo aynu cidkasta godkeeda ka soo saarno, ayaa inagii laynoo soo weerar tagay, oo layna soo hungureeyey, oo odayaashii la soo direy oo la yidhi gacanta soo qabta oo soo guda-geliya…Odayaashu markii ay halka yimaadeen ee ay arkeen shucuurtii dadka ayaa waxay u eeg-tagay inay af-gobaadsadeen oo ay yidhaahdeen waxaanu u nimid inaad nabadgelyadiina wax nooga sheeg sheegtaan sidii ay yihiin ardey duruus qaadanaysa, haddii ay doonayaan inay wax inaga bartaan berri horre ayey inoo iman lahaayeen oo imika waxa la marayaa 24-sanadood intii aynu kala maqnayn Xamar,taasi wax caqliga geli kara maaha 24-sanadood dabadeed ayaan wax idin weydiinayaa oo aan wax idinka baranayaa maaha, odayaashu way af-gobaadsadeen oo wax kale oo ay yidhaahdaan ayey garan-waayeen ayey u eeg-tahay markay yimaadeen, markaa in heerkaas layna hungureeyo aad iyo aad uga xumaaday”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Markaa waxaan odayaasha odhan lahaa duruus fiicana ha la siiyo oo ha la soo dhaweeyo oo ha la yidhaahdo naga raali ahaada war danbe ayaad naga heli doontaane”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here