waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 2012ka markii la doortay mudanayaasha go;alah deegaanka ee degmoouinka s/land waxayna degmadda burco qayb u heshay intii ay dhigeedda degmooyinka dalku heleen oo ah 21 xubnood waxayna mayor u doorteen maxamed muraad iyo ku xigeenkiisa xoday hadaba markii ay xilka qabteenaba waxay bilaabeen musuq iyo muran sharci oo aan markaa meesha oolin sidoo kale hadaynu wax ka xusno waxyaabihii muranku ka dhashay waxa kamid ahaa in markii ay xilka la wareegeen labada masuul ay sheegeen inay soo iibiyeen cagafyo ay u baahantahay dawlada hoose oo ay tiradoodu dhantahay laba cagaf isla markaana ku imanaaya lacag gaadhaysa ilaa shan boqol oo milyan isla markna muran badani uu ka dhashay hadaba waxaas oo dhami waxay sahaalo noqdeen markii ay salaanka xilka si fiican ula qabsadeen waxaanay ku kaceen musuqmaasaq aan xad lahayn fulinta dawladda hoose ee burco oo kala ah mayorka maxamed muraad iyo mayor ku xigeenkiisa mr Xoday iyo xoghayaha dawlada hoose Cismaan Mxamed sh Cismaan waxaanay soomaalidu ku maahmaahda mayd maxa u dambeeyay iyo kaa la sii siddo
waxa ugu dambeeyay ee weli aan raadkooddu qalalin waxa kamidda wadadda gaha ee ay sheegeen inay ku baxday lacag dhan 100.000 oo dolarka maraykanka ah waxaana runtii halkaas ka cad in si toos ah loogu boobay hantidii umadda jidkaas sidoo kale waxay sheegeen in ay galeen 300 oo foosto oo daamur ah islamarkaana lagu soo iibiyaya lacag dhan 30000 kun oo dolar
hadaba hadaba ta iswaydiinta mudani waxa weeye markaad caqliga saliimkaa ku eegto waxan meesha lagu dhoobdhoobay macquul ma tahay jawaabtu waa maya hadaba waxaan leeyahay mudanayaasha golaha deganka burco miyaa kula socotaan fulinta dawladda hoose inay sidan shacabka hantidooda ugu takri falaan mise waxaba waydaan kala socon waxan ay samaynayaan mayorka iyo ku xigeenka iyo xoghayaha dawladda hoose sidoo kale waxa jirta in si badheedh ah loo jaray waddo marta cusbataalka manhal dabadiisa oo si sharci darro ah ay u jareen masuuliyiinta fulinta dawladda hoose
LASOCO QAYBAHA DAMBE
by sacad cali kaahin Raamalay Sacad plucky