MUSHARAX 80 SANNO JIR AHI MUXU QABAN KARAA ? (Ahmed Mahamed Siilanyo) Qalinkii : kooshing abdi iimaan

0
63

Hadaba miyaanay ahayn in fursad la siiyo madaxda yar yare ee isbedelka ka samayn karta ka xisbi ahaan iyo ka musharax ahaanba

kooshin cabdi

Mudane madax-wayne xaq waad u ledahay inaad isa soo sharaxdid lakin da’daada aya kuu diidaysa .  marka loo fiiriyo  xisbiga talada haya ee kulmiye  waxaa jira  madax faro badan oo da’yar  oo ku jirta xisbigaas oo  hore u socodsiin kara hanaanka xisbiga   .

Madaxwayne Axmed maxamed maxamuud siilaanyo   wuxuu dhashay 1936  (78 yrs)   waxaana madaxwaynaha marwalba lagu dhaliilayay in xilka wadanka aanu isagu Si buuxda gacanta ugu  hayn ayadoo sanadadii u danbeysay ee uu xilka hayay madaxweyne siilanyo wadanka lagu dhaliilayay isdaba marin iyo hab qabiilaysi   oo uu hor kacayay Wasiirka  Madaxtooyada Xirsi xaaji cali   walaw dadka qaarna ay lahaayeenba  dalka waxaa maamula  xirsi xaaji cali  .

Hadaba  miyaanay ahayn in fursad la siiyo madaxda yar yare ee  isbedelka ka samayn karta ka xisbi ahaan iyo  ka musharax ahaanba  halkii  uu Axmed Siilaanyo marlabaad uu iska soo sharaxi lahaa jagada madaxwaynenimo ?

Hadii aynu dib u yara milicsano  isbedelada aduunka ka dhacaya :

-Caalamka waxa ka dhamaadey wixii la odhanjiray dictatorship , waxana aduunku qaatay  democracy

-Waxa aduunka hada ka taliya intiisa badan madax  caqliyan iyo jidh-ahan iyo da’ahaan ba ka dhisan

-Madaxwaynaha kililka DDSI shanaad mudane  Cabdi Maxamuud Cumar  da’dahan aad ayuu u yar yahay  wuxuuna soo xushaa dad aqoonahan dhisan xafiiska kasta ha ahaado mid wasiir ama midkale waxa ka howl gala dhalinyar aad u da’yar oo fahamsan isbedelku wuxuu yahay lana jaan qaadaya habka dawladnimo ama dimuqraadiyadeed   .

-Xasan sheikh maxamuud  madaxwaynaha federaalka somaliya waxa weyan   64 jir  waxa aynu odhankarnaa waa madaxwayne ku haboon  da’ahaan in uu hogaamiyo umad usoo jeeda hormarka inkastoo ay Somalia hadheeyeen  dagaalo sokeeye (civil war )

– Madaxwaynaha Barrack Obama  da’diisu waa 52 jirr muwaadiniinta maraykankuna waxa ay isku raaceen in uu yahay hogaamiye isu dheeli tiran oo wadanka isbedel la taaban karo ka samayn kara  Mudane madaxwayne intii aad xilka haysay waxbadan ayaad soo qabatay ayadoo ay jiraan dadbadan oo kugu dhaliilayo dhaqamo aan hore loogu arag madaxdii kaa horeysay  hadana  anigu waxan aaminsanahay in aad tahay madaxwayne Tayo lahaa oo ay da’du ka daba timid  wax walba oo xukumadaadu xumaysayna  ay ka danbeysay  maskaxdaas  gabawdey

Waxa loo baahan yahay  madaxwayne  la curtay nidaamka dimuqraadiyadeed iyo isbedel doonka umada rer Somaliland .

Mudane madaxwayne  umada Somaliland sharaf badan ayay kuu hayn doonta hadii aad sidaa kaga fadhiisatid marka wakhtigaagu kuu dhamaado   waxa laguu aqoonsan doona hirgaliye halyeey maamuus badan ku leh shacabka rer Somaliland

Balse hadii aad isa soo sharaxdo oo xisbigagu kuu doorto musharaxa jagada madaxwayne ee shanta sano ee soo socota waxad wajihi doontaa  xisbiyo  ay ku jiraan musharaxyo isbedel doon ah oo shacabkuna taageersan yahay  ,  markaa  adiguna waxad samayn doontaa sidii  aad hore  u samaysay  doorashadii golaha deegaanka  ee jamhuriyada Somaliland  oo ay hadheeyeen musuq iyo wax isdabo marin  dhiig badanina ku daatay   .

Wadanku wuxuu maraya xaalad kala guur ah wuxuu kasoo baxay  civil war , tribulism and e.t.c    wuxuu  23 sanadood  u soo hirdamayay sidii uu u noqon laha wadan madax banan oo ka tirsan 54 dawladood ee  Africa ay ka kooban tahay , waxad si balaadhan oo mug wayn uga qayb qaadatay  gooni isu taaga Somaliland waxaanad ku amaanantahay   hadaba isbedel raadinta waxa ku jirta in aad ka tanaasusho musharaxnimada waayo waxan dareemaya in aanay wadanka usoo wadin wax fiican  , maxayeelay waxa sii jiraya  nidaamkan hada socda  ee qabiilaysiga ah .

Marwalba waxan aad usoo dhawaynaya  madaxda da’da yare ee la dagaalami karta wakhtiga kana hortagi karta musuq  hab-qabiil  iyo dhac boob  iwm .

 

Qalinkii :  Dr. kooshing abdi  iman  ( Mr Gaashamo )

 

Axmedcbd1@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here