Nin Odayaa Laga Hayay “Waar Dalkan Waa Lays Qabsaday Goorma Ayey Idinka Daadagi”

0
47

Nin oday ah oo waliba odayaasha dalkan Somaliland kamid ah oo siyaasada dalkana in badan ku soo jiray ayaa laga hayay “waar goorma ayey idinka daadagi dalkan waa lays qabsaday?

faro

Horaa waxa loo yidhi kor waayeel waa wada indho, kolay odaygu waxaanay arkayn dadkani ayaa isaga u muuqda.

Dadkani iyaga ayaa doortay Siilaanyo oo hadana ku odhanaya hebelbaa sidan yidhi, xirsi baa dalkan ka taliya,hebelka madaxtooyada jiifa ayaa amarka bixiya, waxaasay ku leeyihiin, oo inbadan baabay nahaysatay taasi.

Immikana waxa soo baxay Baashe nin layidhaa oo waliba ay ku naanayseen Moorgan, calashaan qofka garanaya magaca moorgan uun baa fahmaaya waxa loogu bixiyay.

Anigu se waxaas ay shubayaan ma qabo oo dalkan Siilaanyo ayaa waxa ka dhacayaba maankiisa iyo maskaxdiisa ka soo baxaan, oo Malaga Alle u xilsaaray inuu nafta ka qaado dadkaba lama magac dhabo oo lama yidhaahdo malagii baa dilay, laakiin waxaad maqlaysaa gaadhi buu ka dhacay oo wuu dhintay iyo wax lamida waana sababta looga yeelay inay dadku sabab u bixiyaan.

Siilaanyo isagaa wax walba go’aankeedu kasoo go’daa isagaana waxkasta oo dhacaya dirawal ka ah laakiin dadkan ayuu wax ay ugu sabab bixiyaan meesha u yeelay.

Mar waxa ay dadku odhanayaan wuu asaasaqay, hadana markay arkaan faji halis ah oo siyaasiyiintan maanta joogaa aanay dhigi karayn ayaa ay ku odhanayaan, walee tan Siilaanyo ayaa dhigay waayo ruug cadaa siyaasiya uun baa keeni kara tan,

Waa rag buu dirtay siilaanyo oo uu yidhi suuqa iyo bulshada ii dhex gala isla markii uu talada waxyar oo sanad ah haystay.

Ragii buu waraystay oo yidhi “maxaa banaanka laga leeyahay bal warama”

Waxa ay ku yidhaahdeen dadkuba adigii ay doorteenba ma hadal hayaan oo xirsi uun baabay dadkii oo dhami leeyihiin isagaa meesha ka taliya oo odaygu wuu asaasaqay”

Siilaanyo intaa kadib ayaabu qoslayaa oo uu odhanayaa “alaylehe waa sidaan rabay, taas baaban ugu wadayaa” imika laga bilaabo anigu waan isu dhexyaacay oo waxba ma kala garto mararka qaar” filimku waa oraydh

Dadkan iyo dalkana sidaas ayaynu ku haysanaynaa, oo RRU ayaynu samaysan kuwa dalaayadaha ku boodaynu samaysan, Helikabtaro ayaynu soo iibsan.

Saxaafadan caydha ah ee saamalaylku laayayna sida cayayaanka ayaynu buufin.

Gabagabadii Odaygii baa markale hadlayoo waxa uu yidhi “dadyahow  markay idin gasho waa lays qabsaday, ha inoo ahaato

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here