Masiibooyinka umada ku dhacay Kulmiye ayaa ka mid ah, sababtoo ah Kulmiye waxaad mooda in uu yahay dhana ka shabaho qisadii nimankii JigJiga tagay ee daynta u doontey nimankay kulahayeen ee shirqoolka loo dhigay iyago gurigii aay degenayeen mayd loo dhigay iayadoo markaa la rabay in la xidho, lakiin nasiib wanaag nimankii daynta soo doontay aay noqdeen kuwo aad u caqli wacnaa oo arintii iyada ahayd si farshaxan nimo caqliyaysan uga dabaasheen hal hays dhaxal gashayna aay reebeen oo odhanaysa” Jigjigi mayd keeda ha sidato”.
Hadaba markaad eegto xaalada siyasadeed ee dalka ka jirta iyo sida aaney umadu uba hayn cid amaba xisbi aay ku bedelaan xisbi xaakinka talada dalka hagoomiya ee Kulmiye. Asxaabta mucaaridka ah markaad eegto UCID & WADANI ayaa xaqiiqatan ah kuwo aan haba yaratee aan lahayn hanaankii looga baahnaa.
Marka aad eegto labada xisbi mucaarid run ahaantii wax qorshe ah oo meel u yaala malaha hadana intaas waxaa aay ku andicoonayaan doorashadu yaanay wakhtigeeda aanay dib uga dhicin. Runtuna waxaay tahay asxaabta mucaaridka dan ugu jirta in doorashada wakhtigeeda la qabtii haba yaraatee ma jirto, sababtuna waxay tahay qorshe iyo wax u diyaar ahi maba jiraan kamana sii baaraan degin arinmahaas iyaga ah oo xataa ‘budget’ kii ololaha aay ku gali lahayeen maba hayaan oo wax ”fund raising” ah maba aay sii samayn. Asxaabta mucaraaridku shantii sano dhaliil iyo dhaleecayn ayuun beey ku jireen halkii aay ka ahayd in aay wax isku sii dubaritaan ‘agenda’ na samaystaan umada ugu muujinayaan siyasadooda mustaqbalka ku hagi rabaan qarankan. Intaas oo arimood midna kama hayno markaa miyaanu xaalka umadu kaba dhignayn, amaba aan la odhan karayn iyadoo Hargeysi tahay cududii iyo bartii codka aqlabiyada Somaliland ku sugnaa ee xooga la saaro in maanta Xaqiiqada taala tahay “Hargeysa mayd keeda ha sidato”, ileeyn Kulmiye waa xisbigaa aay ku hungoobeen cid kalena ma hayaan ineey iska sitaan alla baday.
ADEN DEEQ