Barkhad Jaamac Xirsi Oo Sheegay In Xalay Lagu Soo Weeraray Badhtamaha Magaaladda Hargeysa

0
49

Hargeysa, (Hubaal)- La-taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsanaa arrimaha Beelaha la hayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in xalay lagu weeraray badhtamaha Suuqa Caasimadda Hargeysa, wakhti uu fiidkii xalay gaadhi halkaas ku marayey.

barkhad jaamacLa-taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha la hayb-sooco oo saddexdii bishan aynu ku jirno ee March 2015-ka, iska casilay xilkaas, isla markaana Khamiistii toddobaadkii hore isaga iyo Taageerayaal uu hoggaaminayaa ku biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in xubno dhalinyaro ahi ku weerareen Bakoorado, Gaadhi uu watay-na ay ku dhaceen laba Bokoorad oo Wiil dhalinyaro ahi ku dhuftay Gaadhiga uu watay oo uu noociisa ku sheegay kuwa Crawn-ka loo yaqaanno, balse uu ka xanfaray oo aflagaaddo mooyee naf ahaan wax dhib ah oo soo gaadhay aanay jirin.

Barkhad oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Himilo dhacdadan uu sheegay kaddib,

waxa uu yidhi; “Caawa (xalay) anigoo maraya halkan Suuqa Kaalinta Bisbaas ee Basaska Xaafadda Siinay ka baxaan, ayaa Gaadhi cad oo kuwan raaxa ee Crawn-ka ah oo waxoogaa I daba-socday, ayaa gaadhigii la igu hor-gooyey, ka dibna Afar Nin oo laba Bakoorado sitaan ayaa igaga soo degay oo I yidhi; ‘Maxaa lagaa siiyaa Xukuumadda iyo KULMIYE?”

La-taliyihii hore ee Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Dabadeedna deg-deg baan Reefas (dib-u-bixid) u gashaday gaadhiga oo dib uga cararay, markaa Bakoorad ayay gaadhiga ku dhufteen, aniga aflagaaddo mooyee dhibaato kale igama soo gaadhin, markaa dhinaca Hadhwanaag Hoteel baan ka soo wareegay, xagga Saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa markaan u soo kacay ayay iga hadheen, waxaan tegay Saldhigga New Hargeysa oo aan dacwadda gaadhsiiyey. Taliyihii Saldhiggaan ogeysiiyey Oobiiga gal buu igu yidhi; waan galay wixii dhacay warkeeda ayaa la iga qoray, markaa waxaas baa soo kordhay.”

Sidoo kale, Barkhad Jaamac Xirsi oo aan weydiinnay cidda uu u filayo dadka weeraray iyo sababta ay u weerareen waxa ay salka ku hayso, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan u filayaa wixii maanta (shalay) Xaafadda Daammi ka dhacay ee ay dadka Xaafaddu rabitaankooda ku muujinayeen oo waad aragteen Muddaharaadyadii maanta (shalay) ka dhacay Daami. Markaa, arrintaas inay ku lug leedahay oo ay dhinaca Xukuumadda aan ka tirsanaan jiray iyo Xisbiga KULMIYE ayuun baa soo adeegsaday ayey ila tahay oo waxani dhinacooda ka socoto.”

Waxa uu Barkhad sheegay inaanu ku leexan Saldhigga dhexe ee Booliska, hase-ahaatee, uu toos u tegay Saldhigga Booliska New Hargeysa, halkaas oo lagaga qoray dacwadda waxa ku dhacay iyo sida loo weeraray, waxaanu sheegay in Taliyaha Saldhigga Booliska New Hargeysa u sheegay maaddaama oo uu sharciga soo hoos-galay inay Ciidan Saldhig ahaan Masuul ka yihiin nabadgelyadiisa maaddaama oo uu Xaafadaha Saldhigga hoos-yimaadda ee degmada Gacan-libaax deggan yahay, iyagoo marka hore Ciidanka Boolisku masuul ka ah guud ahaan nabadgelyada Muwaaddiniinta, Hantidooda iyo cid kasta oo dalka ku dhaqan ama deggan ama ku nool.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here