Hargeysa (hubaal) – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa madal uu ku soo bandhigo mawqifkiisa doorashayooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, kuwaas oo qabsoomidoodu ku beegantahay 26-June sannadkan, ayuu shalay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ahna Guddoomiyaha Wakiilada Md. Cabdriaxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku soo koobay 7 qodob oo nuxur ahaan kala duwanaa isla-markaana isugu jiray, baaq soo jeedin iyo eedaymo.
Quudaraynta dadka Siyaasadda la socda ee ku aadan khudbadda uu Guddoomiyuhu jeedin doono, waxay maraysay xaraarad qiyaas ahaan si weyn loo dareemay 48-saac ee ugu danbeeyay.
Haddaba Nuxurka Khudbadda Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiye Cirro ayaynu si guud mar ah u milicsan doona, inagoo kor ka xadin doona qodobbada seegay minqiyaaskii laga filaayay.
Ugu horreyn Guddoomiye Cirro, wuxuu qiraal ka muujiyay in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigii ay ahayd inay dhaco, isagoo dib-u-dhac kasta oo ku yimid ku eedeeyay Xukuumadda. Qodobkaas Marka hore Guddoomiyuhu wuxuu qiray in aanay doorasho muuqan, balse nasiib darro sooma bandhigin Sababaha kow iyo lababa ha noqdaane keenay. Sidoo kale Guddoomiye Cirro sooma qaadin qodobbada ku baaqday Xukuumadda ee iyana keenay inay Doorashooyinku dib u dhacaan.
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ma soo hadal qaadin mana xusin haba yaratee Qodobbada ku baaqday Golaha Wakiilada iyo Shir-gudoonkooda ee Qabsoomidda Doorashada Caqabada ku noqday, iyadoo Xisbiga Mucaaridka ay mataanaha ku yihiin ee UCID ugu baqaay maalin ka hor hadalka Guddoomiyaha, in Shir Guddoonka Golaha Wakiilada looga fadhiyo dhammaystirka Xeerarka ay wali haystaan ee uu ugu horeeyo kii lagu soo dooran lahaa, Maadama Qorshuhu yahay in labada doorasho ee Wakiilada Iyo Madaxweynaha Mar la wada qabto. Wuxuuna beddelka Qodobbadaas Guddoomiyuhu caddeeyay inuu Xilka Golahaas sii joogi doono ilaa Madaxweynuhu Digreeto ku cayimo Maalinta Doorashooyinku dhacayaan.
Mar kale waxay weedhaasi fahmi waa ku keentay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka Siyaasadda faaleeya oo iyagu Guddoomiye Cirro ka filaayay inuu ku dhawaaqo Ka tagitaanka Kursiga Golaha Wakiilada, kuna badasho inay markhaati uga noqon lahayd doonistiisa Doorasho uu galo.
Dhinaca kale, Khudbada Guddoomiyaha waxa ka muuqday in aan la waafajin shuruucda dalka u yaala, sababto ah Wuxuu Guddoomiye Cirro ugu baaqay shacabka inay ka hor yimaaddaan Muddo kordhin kasta oo ay sameeyaan cid aan xaq Dastuuriya u lahayn (Guurtida) halka qodobka hore uu ku sheegay in aanu Kursiga ka tagayn ilaa la cayimo maalinta doorashadu dhacayso. Su’aasha la iska waydiin karo hadalkaas waxay noqonaysa, Guddoomiyuhu maadaama oo ay isku wakhti ka dhammaanayso isaga iyo Madaxweynaha, uuna caddeeyay inuu Kursiga sii joogi doono, keebay labada kordhinood shacabku u baaqay ka hor imanayaan. (Ma tiisa Guddoomiyaha Wakiilada Mise ta Madaxweynaha).
Sidoo kale, shacabka uma caddayn cidda xil gudasho la’aanta muujisay ee ka masuulka ah inay Doorashooyinku daahan, marka eedaynta guud laga tago. Halkaasna waxaa si cad uga soo baxay kala duwaanshaha xaqiiqda iyo hadalka Guddoomiyaha.
Qodobka kale ee isna sida weyn u soo jiidanaayay indha dadka ee ku jiray khudbadda Guddoomiyaha ayaa wuxuu ahaa soo jeedinta Xisbiga WADDANI qabo marka la gaadho 26-June, oo ah in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, lana dhiso dawlad dalka gaadhsiisa Doorashooyin.
Qodobkana Guddoomiyuhu kuma darin soo jeedintiisa cidda soo dhisaysa dawladda ku meel gaadhka ah, cidday tahay. (Ma Madaxweynaha hadda, Ma Guurtida uu tilmaamay in aanay sharci u lahayn inay wax kordhisa, Ma shacabka Somaliland-ba).
Geesta kale, Guddoomiyuhu ma caddayn haddii la kala diro Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxay shuruucdu ka qabto, sidoo kale Guddoomiyuhu ma sheegin meesha lagu baa’biiyay qodobkii Dastuuriga ahaa ee odhanayay. “Madaxweynaha Xilka haya Markaas, waxaa beddelaya oo Xilka kala wareegaaya Madaxweyne la soo doortay”.
Si kastaba ha ahaate, marka nuxurka qodobbada khudbadii Guddoomiye Cirro, si hufan loo naaqisho, waxaa caddaan ah in aanay ahayn kuwii laga filaayay, waxaana ka muuqday qabyo badan oo caddaynaysay in cidda qortay aanay gabi ahaanba eegin Shuruucda dalka u taala. Waxaana ka muuqday marka si dhab ah hadalka Guddoomiye Cirro looga qaado dhoobada sare inaanu hadda diyaar u ahayn Doorasho uu galo, sabab kasta oo uu is tusayba, hoostana ka jecelyahay Korodhsiimo timaadda, balse wuxuu ku margaday weedhihii siyaasiyan uu ku sii haysan lahaa Tageerayaashiisa iyo kasbashada kuwo cusub.
Xigasho:Wargayska Somalilandtoday