Maxaad ta taqaan qodobada Xisbiga curdinka ah Ee Waddani Bud-dhiga u ah hadana u horseedi doonta Guul daro waarta iyo Adhax-kajab ….?‏

0
54

Xisbi curdinka mucaaradkaa ee Wadani oo  seeskiisii  aasaaska  gundhig uga dhigay saddex qodob aan marnaba guul u horseedayn, dadkuna ku nacayaan, saddexdaas qodob hore looma baran  Xisbiyadii soo maray Somaliland .

Saddexda qodob ee aasaaska u ah  Xisbiga Wadani, waxaana ay noqon doonaan  kuwo uu kala kulmi  doono guul daro waarta aanu abidkii soo kori doonin salaanka hoogaanka dalka.

  1. Inta xisbigaa ay joogaan cirana talada siiyaan kuwa isku sheega xildhibaanada eek u raaxaysta cayda iyo aflagaada shikhsiyaadka mudan sharafta , xasaanadii loo xidhay  hayn kari waayeen iyagu sida  ina buubaa la yidhaahdo kuna xigaan Ina Riyaraac oo ehelkiisii dayro kah, ninkan waalan isagu ugu daranba la yidhaahdo cabdiraxmaan xoog, Ina Uurcade  iyo kuwo kale oo badan , wuxuu yidhi abwaan somaliyeed “Baadida nin baa kula daydaya, dadaalna kaa badane Aan doonahayn inaad heshana daain abidkiiye” Nimankaa ku  xeeran ciro iyo xisbiga waa kuwo aan dhamaantood is caqli dhaamin aad moodo in dhoobadooda meel laga wada qaaday, iyagu waxay isu yaqaaniin guusha xisbiga balse waa guuldarada xisbigaas.

  1. Qodobkan labaad wuxuu yahay Cabdiraxmaan ciro wuxuu gudoomiye u yahay xisbiga qaayiska ah ee wadani  sida caadadu tahay  xisbi kasta waa in laga wada muuqdaa oo la wada lahaadaa  sidii kulmiye iyo udub oo kale balse xisbigiisa wuxuu ka dhigay mid dhan ka raran  oo xaafad keliya ah ama reer qudha ah  taasina waxay ka muuqataa jaantuska xisbiga marka laga reebo laba saddex qof  oo bilaa samayn  ah wax kalsooni ahna aan lagu qabin, somalilandna caadadeedu may ahayn in xisbi reer leeyahay talada wadanka qabsado  cid dooranaynaasana ma jirto, waxaana halkasi inooga cad in xisbiga wadani isagoo maanta raad dhaqaajisa haduu qabyaalad ku hadal bartay beri markuu korana muxuu samayn ? waa hubaal qofkastaaba wuxuu la barbaaro ayuu la waynaadaa wadanina waa sidaa.

  1. Wadani wuxuu uruursaday in alaale intii ku fashilantay ee gudan kari wayday waajibaadkoodii qaranka ee loo igmaday, markii xilalkii laga qaadayna waxay keentay in  afkay shalay ku amaanayeen  Madaxweynaha  maantana ku caayaan, waa laba aan is qaban,  hadii dadka reer Somaliland  waa kasoo waayo arkeen  cid qabyaalad iyo musuq ku maamusha , waxay doonayaan  cid horumarka iyo hogaanka ku maamusha.

Dadku siday qabaan Xisbiga wadani la yidhaahdo marnaba laguma rajo weyna inuu talada dalka qabto waayo waxa la ogyahay inuu keeni doono aafo yabyaaladeed mid tahriibeed, iyo musuq maasuq sababtoo ah kuwii lagu soo eryey qabyaalada iyo musuq maasuqa  ayaa  soo dhex fadhiistay ninkii shalay musuq iyo qabyaalad lagu eryey haduu maanta shaadh kale soo xidho saw isagii uun maaha .

Qalbaawi  Ismaaciil

Cape town/South Africa

qalbo0230@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here