Maxaa Ka Jira In Shirkad Shiine ah Oo Macdan Baadhis iyo Sahamin U joogtay Somaliland Ay Si Qarsoodiya Uga Baxday Dalka

0
24

Shirkadan Shiinaha oo Magaceedu ahaa (GUANGZHOU DONGSONG ENERGY) markii hore laga soo dhaweeyay dalka Somaliland islamarkaana, ay Wasaarada Macdantu

Hargeysa(Hubaal)-Khubaro u dhashey Dalka Shiinaha oo howsheedu aheyd Baadhista Macdanta ayaa, si qarsoodi ah markaliya uga guurtey dalka kadib markii ay si hoose uga gurteen guud ahaanba agabkoodii kadibna, ay qufuleen Guryihii ay ka degenaayeen Magaalada Hargeysa oo kuyaalay cidhifka Galbeed ee Xaafada Jigjiga-yar.

macdan baadhis(5).JPG

Shirkadan Shiinaha oo Magaceedu ahaa (GUANGZHOU DONGSONG ENERGY) markii hore laga soo dhaweeyay dalka Somaliland islamarkaana, ay Wasaarada Macdantu heshiis la gashey sanado badan ahaa bilowgii Sanadkan 2014ka heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa baadhis iyo qodis macdaneed, ilaa iyo hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay Shirkadaasi sida qarsoodiga ah uga guurtey dalka , waxaana lasoo mariyay meelo badan oo kamid ah dalka Somaliland.

Sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ka dareen qabey dhaqdhadaqaaqa Shirkadan ayaa Sheegay in loogu tagey Gurigii ay ka deganaayeen Magaalada oo albaabada loo laabey gurigaas oo dhismihiisu ka koobnaayeen dhisme sadex dabaq ah oo kuwada jira Xeyndaab, waxa loogu tagey kijinka oo dirxi dhex sulaakhayo, digaag la qaley oo bacadka wadhan, iyo dhamaan agabkii oo laga wada qaatey halkaasi, waxaanay furayaashii dhigeen madaarka.

Shirkadan, laga Leeyahey Wadanka Shiinaha ayaa, la sheegay in horaantii ay qadimeen lacag badan oo lagaga qaadey Liisanka Baadhista Macdanta taas, oo uu sigaar ah culeys xaga jeebka ah usaarey sida ay Wararkani sheegeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta Siciid Axmed Jibriil oo ku balamiyay, in aan qof kale kasoo Wareegi karin Waashmaanada Gurigaa ay deganaayeen Shirkadu.

Sikastaba aha ahaatee waxa degan dalka Somaliland, Shirkado kale oo Wadanka Shiinaha ka socda kuwaas oo ah Shirkado baadhista Macdanta ah oo Wadanka keenay qalabkii qodista islamarkaana, liisanka Qodista Macdanta sugayay mudo sadex sanadood iyo dheeraad kusiman sida Shirkada ARC oo Dowladii hore ee Rayaale u ogolaatey dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here