Gaadiidleyda Isaga Goosha Burco Iyo Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyey Handadaad Uu Ku Hayo Saldhiga New Hargeysa

0
24

Hargeysa (Hubaal) Gaadiidlayda isaga gooshta Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa cabasho xoogan ka muujiyey waxay ugu yeedheen Dulmi iyo iyo qabyaalad hadhaysay Saldhiga NEW HARGEYSA ee Magaalada Hargeysa, waxaana Gaadiidlaydan Tagsiilayaasha ah oo Nolol maalmeedkooda ka raadiya inta u dhaxaysa burco iyo hargeysa aad uga cabanayaan Cadaadis xoogan oo uu ku hayo masuuliyiinta iyo Askarta Saldhigaasi, iyadoo Darawalada Gaadiidkaasi lagu xidho sifo ka baxsan Sharciga islamarkaana ay sheegeen in loo adeegsado hab qabyaaladeed.

booliska

Cabashadan ayaa beryihii ugu danbeeyey isi soo taraysay ayey kaga cabanayaan laaluush iyo baad laga qaado Darawaladaasi isaga gudba magaalooyinka caasimada iyo caasimad ku xigeenta, haba yaratee ma jiraan wax dhibaato ah oo ay geysteen nimankaasi masaakiinta islamarkaana ay gutaan waajibadkooda shaqo, lama garanaayo sababta keentay in si gaara loo bartimaameedsado Istaagan ku yaala Xaafada NEW HARGEYSA oo lagu Magacaabo Istaanka Burco.

Qaar kamida Wadayaasha Baabuurta oo la hadlay qaar kamida Warbaahinta Hargeysa ayaa sheegay in maalinkasta loo cago jugleeyo islamarkaana loogu hanjabo Xadhiga iyo ganaax aan waafaqsanayn Sharciga, waxaan sidoo kale ay warbaahinta u sheegeen inuu jiro hab dadban oo qabiileed islamarkaana iyaga si gaara loo tilmaansado, dhanka kale waxaa ay qeylo dhaan ka direen musuq maasuq iyo laaluush hadheeyey Taliska Saldhiga NEWS HARGEYSA iyo Askarta ka hawl gasha Saldhigaasi iyagoo si bilaa shuruuda kusoo xidha Wadayaasha Gadiidka kana doona Lacag Ganaaxa aan waafaq sanayn sifaha Sharcigaa, dhanka kale waxaa ay cabasho ka muujiyeen qaar kamida Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qeyb ka yihiin Ganaaxa bilaa sharcigaa ee ay waydiinayaan Gaadiidka ay u dhanyihiin Sharciyadoodu islamarkaana ku khasbaaya inay bixiyaan lacag aan la garanayn qaabka ay u doonayaan.

Waxay ugu baaqeen Xukuumada iyo Taliska guud ee Bilayska inay arintaasi si deg deg ah wax uga qabtaan, hadii kale ay xaaladu noqon doonta mid isu rogta qabiil iyo reer reer, isla sidoo kale waxaa ay soo bandhigeen inay dhankooda markasta diyaar u yihiin u hogaansiga Sharciga iyo Dastuurka Qaranka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here