Madaxweynaha Somaliland ayaa Cafis U Fidiyay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Degaanka Borama Oo ku xidhan xabsiga Mandheera,xildhibaanadan ayaa dhawaan ciidanka nabadgelyadu ay xabsiga dhigeen.
xadhiga xildhibaanadan ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed oo gobolka ka taagneyd
cafiska uu madaxweyne Siilaanyo u fidiyay xildhibaanadan waxa lagu sheegay war-saxaafadeed goor dhaweyd kasoo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland islamarkaana uu ku sexeenaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxaana uu u dhignaa sidan:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey
In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.