Madaxwayne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Oo Buuhoodle Gaadhay Iyo Weftigii Somaliland Oo Ku Sugan

0
26

Buhoodle (Hubaal) – Cabdihakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camay, Madaxwane Ku xigeenka Puntland, ayaa maanta laga soo dhaweyay magaalada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wefti ka socda Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Buuhoodle kaga qayb-galaya caleemo-saarka Garaad reer Buuhoodle ah, kaasi oo maalinta berri ah Munaasibaddiisa lagu qabanayo halkaasi.

 Madaxwayne-ku-xigeenka-Puntland

Hadal kooban oo uu dadweynaha Magaaladaasi u jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayuu ku sheegay sidan “Is waraysigeena siyaasaddu waa inoo danbayn doonaa, inagoo midaysan oo mid ah aynu hareeraha iska wada taagno sidii Caleemasaarka Garaadku inoogu qabsoomi lahaa sida ugu saraysa, qofkasta oo reer Cayn ahi waa in uu ogaadaa in uu yahay  Danjire u taagan sidii uu xil isaga saari lahaa martida sharafta leh ee maanta martida inoo ah, iyo sidii ay guul inoogu dhamaan lahayd xaflada caleemo saarku” ayuu yidhi, Madaxweyne Xigeenka Puntland.

Buuhoodle, waxa hore u sii joogay wefti ka socda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale oo la socda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo masuuliyiinta kale ee ka socda Somaliland ayaa dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle.

Wasiir Xaglo-toosiye oo shalay lagu soo dhaweeyay Buuhoodle, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo caleemo saarka Garaadka “Waxaanu idiinka mahad-celinayaa sida sharafta leh ee aad noo soo dhawayseen, waxaanu Buuhoodle u nimid Caleemo-saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe. Xukuumadda Somaliland haddanu nahay raali-baanu ka nahay Caleemo-saarka Garaadkan inay dhacdo, waanu soo dhaweynaynaa, waanu taageersanahay sidaasanan u nimid Buuhoodle.”

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-toosiye waxa kale oo uu sheegay in safarkoodani aanu la xidhiidhin arrimo Siyaasadeed, waxaanu yidhi “Siyaasad umaanan iman, waa Madal dhaqan, Qofna ka yeeli-mayno inuu Siyaasad la yimaaddo Caleemo-saarkan, markay Munaasibaddu dhamaato, waxaan farayaa Siyaasiyiinta u yimid Caanu-shubka Garaadka inay dib ugu noqdaan meelaha ay ka yimaaddeen.”

Xigasho: Dhamaysmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here