“Maareeyaha Dekedda Berbera oo Hantida Qaranka u Adeegsanaya Burburinta Axsaabta Siyaasadda”-Mukhtaar M. Warsame- Muwaadin ka Mid Ah Taageerayaasha UCID/Berbera

0
38

Halkan Ka AKHIRSO : “Maareeyaha Dekedda Berbera oo Hantida Qaranka u Adeegsanaya Burburinta Axsaabta Siyaasadda”-Mukhtaar M. Warsame- Muwaadin ka Mid Ah Taageerayaasha UCID/Berbera

Waxa dhaqan iyo caado u noqotay Maareeye Cali Xoor-xoor in u adeegsado hadba xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah burburintooda heer Gobol ilaa heer Qaran.

Waxa jirtay in xiligii u xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye mucaaridka ahaa in Cali xoor-xoor geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay sidii uu curyaamin lahaa Xisbiga Kulmiye isagoo isku deyey in xubno ka tirsan golaha dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku baayaco lacag faro badan si ay kulmiye uga baxaan.

Inta badan taageraayasha u xisbiga ka soo saaro waxa u geyn jiray T.V-g Qaranka si ay u iclaamiyaan in ay ka baxeen Kulmiye oo ay galeen UDUB, Barnaamijkaas oo  caan ka noqday bulshada Somaliland dhexdeeda waxa loo yiqiin “Waji Ku Macaash”, Barnaamijkaas oo markii Kulmiye talada qabtay T.V-ga laga joojiyey. Cali xoor-xoorna xilkii laga qaaday 2010-kii.

xoorcPhoto-file: Mr. Cali Cumar Maxamed 9Xoor-xoor): Maareeyaha Dekedda Berbera

Waxase yaab leh in ninkii Cali ee sidaas uga soo horjeeday kulmiye ee caadeystay cayda, curyaaminta , iyo af-lagadeynta madaxda kulmiye hadana bilaabo olole u xil uga doonanaayo Kulmiye isagoo il –gabadh laynaya waxase hore loo yidhi “waraabow Hooyada ka waran waxa u yidhi Hooyaday hadday noolaato waan Jiqi haday dhimatana waan cuni”  waxa uu xusul duubtay isbarida iyo isku dhajinta dad madaxtooyada ka dhow iyo qaar kale oo la reer ah marwadda Madaxweynaha isgoo adeegsanaya lacatii uu kala baxay khasnada Dekedda mudaddii bisha ahayd ee laba xisbi taladda isku wareejinaayeen lacagtaas oo qadarkeeda lagu qiyaasay 50 Million oo dollar, lacagtaas markii la baadhay (Auditing) uu ku sheegay in qalab cusub ku soo iibiyey oo ay soo socdaan ilaa haddana aan lahayn qalabka u sheegaayo in uu lacagta ku bixiyey $ 50 million ah, runtiina waa wax lagu qoslo.

Mida kale ee iyana yaabka lihi waa in maareeye cali xoor-xoor aanu oggolayn shakhsi aqoon leh oo ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay ee “Aaden Ciise” in uu Dekedda Berbera ka shaqeeyo ama u xilal ka qabto Gobalka saaxil haddii ay dhacdo in masuul Aaden ciise ah loo magacaabo gobalka saaxiil waxa uu ku qaada olole ka dhan ah masuulkaas, taasina waa ta keentay in aqoon yahan faro badan oo gobalka u dhashay wax badana tari laha uga tagaan gobalka saaxil .

Ka dib markii u mid walba u samaystay Basaasiin warka uga keena (spying elements) oo loo yaqaan (Dheg) lagana masruufo hantida ummadan tabaaleysan, waxa taas markhaati madoon u ah ololaha kala joogsiga lahayn ee uu ku hayo Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ka soo jeeda Beesha Aaden Ciise “Reer Caddaawe Jibriil” oo runtii wax qabad muuqda oo la taaban karo ka sameeyey Haamaha Shidaalka Berbera.

Haddii aan u soo noqdo mawduuca aan qalinka u qaatay oo aheyd Burburinta Maareeyuhu ku hayo xisbiyada Qaranka, hore ayaa loo yidhi “Bal Qaydhin Ma daayo Nina Caadaddii Ma Baajo”

Maareeye Cali waxa uu u holaday sidii uu bilaabi lahaa ololihii uu ku faganaayey xubnaha iyo taageerayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI heer gobol ilaa heer qaran ee ka soo jeeda Beesha Aaden Ciise, sidii ay uga soo bixi lahaayeen xisbiyada mucaaridka ah waana isla khiyaamadii uu ku sameeyey dhalinyaro faro badan oo aqoon yahan ah  kana tirsana xisbiga kulmiye wakhtigii kulmiye mucaaridka ahaa maantana  wax shaqo ah aan  haynin markay u tagaana uu aad ugu qoslo .

Haddaba ololihiisii fagashada xisbiyada mucaaridka ah waxa uu ku bilaabay Xisbiga Waddani garabkiisa dhalinyaradda isagoo u diray ragii hawsha u qaabilsana kuna baayacaya lacag faro badan si ay waddani uga baxaan, isagoo hantida ummada ku burburinaaya xisbiyadii qaranaka ee sharciga ahaa.

Waa inoo qormooyin kale insha allaah oo aynu kaga hadli doono qodoban hoos ku qoran:

1.    Manager’s Financial Misappropriation – ku tagrifalka hantida ummadda

2.    Port Departments – waaxyaha Dekedda

3.    Lack of Financial transparent – Huf naan la’aanta Maaliyadeed

4.    Port Employee – Shaqaalaha Dekedda

5.    Corruption in the Port – Musuqmaasuqa Dekedda ka jira

6.    Manager’s Devastation philosophy – Fikirka wax baabiinta Maareeyaha

7.    Manager’s Poor Performances – wax qabadka Liita ee Maareeyaha

8.    Manager’s Spying Element – Dadka wardoonka u qaabilsan

Allaa Mahad leh

Mukhtaar Maxamed Warsame

Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil

My phone number: 633736985

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here