Fadhigii gollaha baarlamaanka Somaliland oo qabsoomay 30th – 8-2014 shirkaas oo lagu ansixinayeen wasiirka wasaarda xidhiidhka golayaasha iyo technolog-yada.
Fadhigaa gollaha wakiilada kaasoo uu shir-gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka soo xaadiray 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golahaasi uu ka kooban yahay.
Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo Technolog-yada waxaana ogolaaday 19 xildhibaan, waxaana diiday 5 xil-dhibaan ,waxaana ka aamusay 20 mudane halka aanu codayn gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.
kalmada QUORUM marka aynu qeexno waxaynu odhankarnaa waa kalmad Latin ah oo macnaheedu yahay “oo ka mid ah” ama “Sida ku sugan” miyeynu haysanaa in inagu filan oo ka mid ah xubnahaas?
sida uu qeexayo qodobka 45 ee dastuurka qaranka firqadiisa 2-aad shirka gollaha wakiiladu wuxuu ku furmi karaa hal-dheeri marka tiradda guud ee xildhibaanada ka soo xaadiray laba loo qaybiyo.
isla qodobkaasi 45-aad firqadiisa 3-aad, wuxuu qeexayaa in tirada xildhibaanada ka soo xaadirtay shirka fadhigaa gollaha wakiilada ay haldheeri ku asaxin karaan.
in kastoo ay ka soo xaadireen 45- xildhibaan oo ka mid ah gollaha wakiilada, taasi waa ta sababtay inuu u qabsoomo shirka asixinta wasiirka wasaarda xidhiidhka golayaasha iyo technology-yada , waxaana ogolaaday 19 xildhibaan, waxa diiday 5- xil-dhibaan ,waxaana ka aamusay 20 -mudane, halka aanu codayn gudoomiye ku xigeenka gollaha wakiiladu.
Haddaba waxay isweydiintu tahay, Maaha tani su’aal haddaad doonayso inaad ka jawaabto, waa rayiga aan qabo ama sida dastuurka qaranku uu dhigayo, umana jeedo wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo cilmi baadhista inuu ku ansaxmayo helida 23-cod oo noqonaysa hal-dheeri marka loo eego 45-ka xildhibaan ee ka soo xaadiray shirka gollaha wakiilada.
Marka aynu eegno dhinaca doorashooyinka, codeynta iyo ansixinta waa ay kala duwan yihiin, tusaale ahaan marka aynu soo qaadano ta ansixinta, waxaynu odhan karnaa, waxa loo tiriyaa laba qaybood, oo kala ah Haa iyo Maya laakiin kuwa ka aamusay lama tiriyo oo waxa laga soo qaadaa cod khasaaray , sababo la xidhiidha markay noqdeen kuwo diidanaa iyo kuwo garan waayey waxay ku doortaan.
gunaanada mawduucayguse wuxuu yahay oo aan u soo bandhigayaa bahda akhriska bal ka waran, iyadoo kooramkii uu buuxsamay 45-ka xildhibaan, oo wasiir ka mid wasiirada lagu asixiyey sida.
Tusaale ahaan
- 45-xildhibaan baa kooramkii soo buuxiyey, wuxuu ansax uu ku yahay markuu hello 23-cod.
waxa u codeeyey ama ogaaladay-22-xildhibaan
waxa ka aamausay -23-xildhibaan
waxa diiday -0-xildhibaan
markaa taa macnaheedu waxaynu odhan karnaa sow maaha wuu waayey, maadaama uu helay 22-cod, waxaanu ansax ku noqon lahaa isagoo hela 23-cod oo ah hal dheerida tirada 45-xildhibaan ee ka soo xaadirtay gollaha wakiilada
- 45-xildhibaan baa kooramkii soo buuxiyey, wuxuu ansax uu ku yahay markuu hello 23-cod.
Ogolaansho- 1-xildhibaan,Diidmo- 1 -xildhibaan,ka Aamusay -43-xildhibaan. ma ansaxbaa mise maaha ansax wasiirkaasi?
- 45-xildhibaan baa kooramkii soo buuxiyey, wuxuu ansax uu ku yahay markuu hello 23-cod
ogolaansho- 0- cidiba umay codayn, Diidmo-0-cidba may diidin, ka aamusay – 45-xildhibaan , ma ansaxbaa mise maaha ansax wasiirkaasi?
Qoraa : Mr. Maxamed Faarax Qoti