Kalsoonida iyo Quluubta Shacbiga ma lagu iibsan karaa in yar oo ku laaluush ah,taas oo weliba ah Hantida ummada baahan wax loogu qaban lahaa?

0
24

Q1aad

Waxaan  Halkan  salaam sharaf badan ugu dirayaa dhamaan Warbaahinta madaxa banaan gudaha iyo debadda ee Somaaliland.

Muddo hataan laga joogo afar sano ayaa dadwaynaha reer Somaliland ay  magan iyo miciin ka sugayeen  hogaanka Xukuumada  madaxweyne Siilaanyo, Laakiin waxaa  markiiba u cadeyd dad badan  oo  indheer garad ahaa in aanay  dariiqii horumarka  ku jihaysneyn xukuumada kulmiyey iyo xisbigeeda hada burburey. maadaama hadafka koowaad ee Xisbiga Kulmiyana  uu sal u ahaa oo laga dhadhaminaayey tolaayeey bal aan mar  uun kursiga fuulo. taas oo waxgarad  badani ay ka hadleen oo uu ka mid ahaa Madaxawaynihii  hore ee Somaliland  mudane  Daahir Rayaale Kaahin “ Kulmiye waxa uu doonayey in uu aarsado  oo waxa uu qabey ciil gaamuray”  taas oo ganacsatadii raacsaneyd ay la cadhoodeen oo ay lacag badan badka dhigeen si uu Siilaanyo kursiga ufuulo.hase yeeshee dadwaynahu waxa ay filiyeen  isbadal dhab ah oo deg-deg ah oo ka duwan tan maanta jira.

 

Dhaqan xumadda ay xukuumadani ku caanbaxdey ee ay shacabkii indhahooda ku daawadeen waxaa  ka mid ah qabyaalad, qaraabee kiil, dhul boob iyo in ay ku bixiyaan hantida ummadda laaluush joogta ah, iyaga oo adeegsanayaa waji kumacaash, afkumuacaash iyo guulwadayaal  aan diin iyo damiirtoona  lahayn. Waxaa taasi tusaale kuugu filan  in aanu maanta jirin nin waxgarad ah oo taageeraya Dowlada Siilaanyo laakiin ay taageerayaashiisii ubateen duul damiir laaweyaal ah oo dan la orod ah oo faro guudkood ku istaadhma iyo Ganacsato beeshiisa ubadan oo dhiiga iyo dheecaanka ka jaqa shacabka baahan ee debedyaalka u ah danyarnimada iyo duruufaha adag ee nololeed ee ku xeeran

 

Burburinta  maamuuskii iyo milgihii  dowladnimo ay burburiyeen Xukuumadani intii ay jirtay iyaga oo soo saaray hal qabsiyo iyo weedho runtii ay dad badani ay layaabeen  waxaa ka mid in qofka mucaaridka kala horyimaada lagu dayo in lagu laaluusho hantida ummada ama laga siiyo boos xaga dowlada ah. Taas oo xaalkii noqdey yaa na iibsanaya iyo Maxaan cunaa. Arintan oo shaanbad ku ah xukuumada Siilaanyo ayaa hal hays iyo hal qabsi unoqotey waxqabadkii  xukuumadii Siilaanyo ee loo hanka weynaa.

 

Muwaadinow, markii ay guulwadayntu ay gaadhay dhamaan xuduudaha Somaliland ayaa waxaa dhacay in xitaa ay u soo gudubto dhinca Qurbaha  oo aad arkayso dad lagu tuhunsanaa in ay indhaha aaney ka qarsan jirin  ceebta qaawan ee ka socota wadanka hooyo kuwaas mucaarid ahaa oo ubadnaa  shaqsiyaad naftoodii dayacey oo afku xoogleyaal ah in qurbaha loogu keeno laaluush ama cashuurtii yareyd ee sariibada laga soo ururiyey dumarkii qoraxdu dishootey ee dan yarta ahaa.

 

Dillalista , afkumacaashka iyo waji kumacaashka ayey caan ku noqotey xukuumadii siilaanyo taas u sameysey suuq ugaarka oo looga jawaabo qof kasta oo dawlada wax ka sheega.  waxaad arkaysaa oo maragmadoonta ah  marka ay asxaabta mucaaradka iyo indheergaratada Somaliland ay soo bandhigaan cadaymaha gefka ah ee ay dhexdabaalato Xukuumada Siilaanyo ayaa waxaa soo horboodaay duul kooxo ah oo ku luqaynaaya wixii  ay soo liqeen iyaga oo aan karaamadoodii sharaftoodii iyo diin toodii aan midna qadarineyn.

 

Hadaba, akhristow , muwaadinow  maanta halkaas ayey ku danbeysey Xukuumadii Siilaanyo shacabkii doortey ee dirty ee  ay maganta iyo miciinka ay moodayeen

 

Xassan Ahmed

 

LLB ( Student third at Greenwich )

 

London UK

 

Hassankaid4@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here