Ma Dhab Baa In Saraakiil Ka Tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya Ay Shir Lid  Ku Ah Somaliland  Ay Tuullada Aw-Barre Kula Yeesheen Ugaaska Beelaha Samaroon?

0
28

 Aw- Barre (Hubaal) Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble iyo saraakiil la sheegay inay ka yimaadeen Somaliya ayaa manta magaaladda aw Barre ka furay shir Lidi ku ah qaranimada Somaliland, kaasoo ay ka qayb galeen madax dhaqameedka Gobolka Awdal oo dhan.

Shirkan oo manta furmay waxa ujeedadiisa lagu sheegay inuu la xidhiidho sidii maamul Goboleed loogu samayn lahaa Gobolka Awdal isla markaana loo mataanayn lahaa Maamulka Khaatumo oo dhawaan baarlamaan iyo Gole wasiiro loogu dhisay gudaha Itoobiya kadib markii Ciidanka Qaranka Somaliland cagta mariyeen shirkii Cali Khaliif ee Saax-dheer.

Lama garanayo go’aamada ka soo baxay shirkan, hase yeeshee sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloolaa Farriinnews.com u xaqiijiyeen waxa shirkan ka qayb ah koox Qurbajoog ah oo ku kala sugan Aw Barre iyo gudaha Borama, kuwaas oo Olole balaadhan u raadinaya mashruuca Awdal State ee ay dawladda Federalka ku wiiqayso wadajirka Beelaha Somaliland.

 gaas

Salaadiinta ka qayb gashay shirkan oo ah kuwii dhawaan Madaxweynaha Somaliland cabashada ula yimi waxa ay u muuqdaan kuwo marka horeba baaq ka haystay kooxahan dibin daabyada ku wada Somaliland ee Federalka.

Sidoo kale. Waxa dhawaan magaaladda Borama tagay Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco, kuwaas oo tagitaankoodu ku soo beegmay dhaqdhaqaaqan Federal doonka ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa u dirtay Borama wasiiradda Gobolka Awdal kuwaas oo aan illaa hada wax talaabo ah ka qaadin dadka dhaqdhaqaaqan wada marka laga reebo Xuuraan iyo sheedaalin ay ku hayaan shirka iyo kooxaha wada.

Ma cada talaabada ay xukuumadda Somaliland ku waajahayso dhaqdhaqaaqan maadaama kii Khaatumo ay kaga hor tagtay cudud Milatari.

Xigasho: WAAHEEN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here