Ka Bogo Xog-waraysi Uu Wasiir Cabdikariim Axmed Mooge Kaga Hadlay Magacaabistiisii, Caqabadaha uu Shirarka Golaha Wasiirrada kala kulmo +Talooyinka uu Saaxiibbadiisa Golaha Wasiirrada, Saxaafadda iyo Bulshada u jeediyey
Hargeysa (Hubaal)- Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in qaddarinta dhaqanku farayo marmar ku keento inuu ka ammuuso arrin muhiim ah oo talo dhaxal-gal ah kaga geysan kari lahaa Golaha Wasiirrada dhexdeeda, laakiin taasina soo afjarmi doonto, maaddaama wakhtigan Cirro la wada yeeshay.
Barnaamij taxane ah oo Wargeyska HIMILO ku wareysan doono Masuuliyiinta kala duwan ee Qaran, iyo Golayaashiisa kala duwan, ayaa wareysigii ugu horreeyey oo Weriye Maxamuud-Walaaleye maanta ku ibo-furay Wasiirka ugu da’da yar, uguna dambeeyey magacaabista xilka Qaran Cabdikariim Axmed Mooge ku sheegay in xilka Wasiir Ku-xigeenku yahay Iskuulka koowaad ee Wasiirnimo, isla markaana wax laga baran karo oo waayo-aragnimo laga dhaxli karo, waxaanay su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba u dhaceen sidan:-
S: Cabdikariin, sideed u aragtaa kaalinta aad kaga jirto Golaha Wasiirrada Xukuumadda, marka loo eego da’daada, faa’iidadeeda iyo caqabadaheedu ma siman yihiin?
J: Waxaan u arkaa in aan kaalin muhiim ah kaga jiro Golaha Wasiirrada, waayo? Waxaan ahay Wasiirka ugu da’da yar Golaha Wasiirrada, taasoo macnaheedu yahay in aan metelo Jiil ah intii ugu badneyd Somaliland ummaddeeda. Markaa, kaalinteydu waa kaalin muhiim ah. Xagga da’da waa sharaf iyo faa’iido in aan Golaha ka mid noqdo. Caqabado sidaas u badan oo jiraa ma jiraan, marka laga tegi-waayo waxa dabar yara ah in ixtiraamka iyo qaddarinta dhaqanku i farayo ee in qofka yari ixtiraamo qofka weyn ay marmar keensan-karto in aan ka ammuuso arrin muhiim ah oo aan talo dhaxal-gal ah aan ka geysan kari lahaa Golaha dhexdiisa. Laakiin, taasina wey iska dhammaan oo hadda Cirro la wada yeelay!.
S: Maaddaama oo aad hoggaamintii talada dalka ka mid tahay, ma jiraan fikrado, dhalliilo aad gaar u aragtay ama lagu soo gaadhsiiyey oo aad Golaha Wasiirrada gaadhsiisay intaad xilka haysay, maxaad nagala wadaagi kartaa qodobbadaas?
J: Wallaahi dee markaad tahay masuul Qaran, waa arrin biyo kama dhibcaan ah in dadku kuu imanayo oo weliba markaad tahay qof dadkiisa iska dhex-jooga oo iska dhex-lugeeya dee dadku way kula hadli, waana Masuuliyad na saaran in aan dadka dhegaysanno oo wixii talo ah ee ay na faraan aan gaadhsiinno ciddey khusayso ama Wasaarad ha ahaato ama Hay’ad kale oo dawli ah ha noqotee.
S: Xilka wasiirada ka mid ah xog-ogaal u noqoshada deegaanka aad ka soo jeedo, maxaad nooga sheegi kartaa xidhiidhka idiin dhexeeya, xillima kuugu dambaysay?
J: Runtii xog-ogaal baan u ahay deegaanka aan ka soo jeedo, waayo? Waxaan qayb ka ahaa intaanan Wasiir-ba noqon dedaallada dadku ay ka wadaan deegaankaas aan ka soo jeedo ee ay ku horumarinayaan deegaankooda haddey tahay Waddada Cad, Waxbarashada IWM. Laakiin, hadda dee waad ogtoo aniga deegaanka aan ka soo jeedaa waa Bulsho Xoolo-dhaqato ah, anna hadda waxaan Qaranka u hayaa Masuuliyad aan kula shaqaynayo Bulshooyinka Kalluumaysatada ah. Markaa, waa laga yabaa in shaqada aan Qaranka u hayaa iga mashquuliso in aan deegaankii mar walba booqdo, qorshuuse wuxuu yahay in aan dadkayga ku xidhnado waayo? Taasi waa arrin muhiim ah Somaliland dhexdeeda. Xogta dhabta ahina waxay tahay deegaankaas baahiyo badan baa yaalla waxaanan rejeynayaa in Masuuliyiinta ay shaqadooda tahay in ay la shaqeeyaan Bulshooyinka Xoolo-dhaqatada ahi in ay baahiyahaas wax kala qabtaan, Shacabkana waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan dadka ugu imanaya in ay wax la qabtaan.
S: Xilka Wasiir Ku-xigeenku wuu dhiman yahay, taasi miyaanay saamayn ku yeelanayn qofka loo magacaabo, sida inuu ku-dhac la’aan yeesho mustaqbalka, maxaa lagaga badbaadi karaa?
J: Walaal wax dhimani ma jiraan! Oo anigu sidaas uma dhigeen, tusaale ahaan Golaha Wasiirrada dhexdooda doodda Qaranka waa loo siman yahay. ta kale walaal xilka Wasiir Ku-xigeenku waa Masuuliyad Qaran oo loo baahan yahay oo ah in aad kaaliso Wasiirkaaga iyo in aad ku sinto xilka markuu maqanyahay, sidoo kalena aad qabato wixii Masuuliyado ah ee si gaar ah laguugu xil-saaro Wasaaradda dhexdeeda. Waxa kale oo meesha ku jirta xilka Wasiir Ku-xigeenku waa Iskuulka koowaad ee Wasiirnimo, waana xil wax laga baran karo oo waayo-aragnimo laga dhaxli karo.
S: Dad badan, ayaa is weydiiya Wasiir Cabdikariim xilka wuxuu ku helay qoraallo taxane ahaa oo uu qori jiray, maxaad ka odhan lahayd?
J: Waxaan u malaynayaa in aad u jeedo Qoraalladeydii; ‘Madaxweyne Suubban oo Sidan ah’, walaal arrintaa waxba kama jiraan, waayo? Qoraalladeydaasi ma khusayn cid gaara markii dadku sidaas u fahmeenna wataan soo qoray ee aan u yeelay hordhac sheegaya in qoraalladeydu ay u yihiin diirad ka wax dooranaya, talo u yihiin ka xilka haya, sahan u yihiin in Madaxweyne kastoo yimaadda sidaa ahaado. Waa illaa 86 Bog Qoraalladaasi….illaa 10 Bog wax aan gaadheyn ayaan soo qoray. Markaa, Walaal qoraalladaasi xil-doon may ahayn manay khusayn in aan xil helo…. Madaxweynahana isagoo Mudan u malayn maayo in uu taas igu soo xushay, runtuna waxa weeye walaal in qoraalladaasi ay ahayeen qaar dadka u sharraxaya uun hoggaaminta suubban.
S: Wasiir Cabdikariin, Maxaad u joojisay qoralladaas intii aad xilka qabatay?
J: Walaal qoraalladaas maan joojin intii aan xilka qabtey ee waxaan joojiyay muddo ka hor xilka, waxaanan u joojiyay waa marka koowaade qalad-fahamka dadku ay u fahmayeen in aan u jeedo cid gaar ah oo runtii ka hor imaneysay ujeeddada guud ee aan ka lahaa qoralladaas. Dee markaa, waxaan is idhi inta dadku kula fahmayaan waxaad ka hadleyso iska jooji!….Laakiin, dhawaan kollay qoralladaas oo Buug ah ayaan soo saari doonaa Insha Allaah.
S: Bulshadu badi waxay maqli jireen hebel (masuulka) computer-ka ayuuku jiraa (xogtiisa Madaxweynaha ayaa haya), adiga xogtaada goorma ayaa la geliyey? Yaase geeyey?
J: Taasi waa arrin Illaahay ogyahay….Laakiin, Somaliland waad ogtahayoo Beelo ayaynu wax ku wadaagnaa, dee markaa Odayaasha ayaa laga yabaa in koox magacaygu ku jiro ay u geeyeen Madaxweynuhuna markuu arrimo badan tixgeliyay uu aniga ii soo magaacabay, waanu ku mahadsanyahay taas Abaalna waan ugu hayaa iyo weliba dee anoo ka mid ah Xisbiga KULMIYE arrimhaas oo is-biirsadey ayaa laga yabaa in ay keentay magacabisteyda.
S: Waxaynu maqalnaa qabtoo xidha marka Wasiir ay is qabtaan qof Shacab ah, sideed u aragtaa jiritaanka dhaqankaas? Adigyu Cabdikariim ahaan goormaad isticimaali doontaa bay kula tahay?
J: Walaal aniga arrintaasi u malayn mayo in ay iga suurowdo, Wasiir kalena kama suurowdo. Laakiin, Shacabka waxaa la gudboon in ay Madaxdooda ixtiramaan oo ilaaliyaan karamadiisa, sharftiisa, Madaxduna Shacabkooda ilaashadaan si dalkani sharaf u yeesho.
S: Ma jiraan talooyin aad u gudbonaysid Saaxiibbadaada Golaha Wasiirrada aad wadaagtaan, Saxaafadda iyo guud ahaan Bulshada?
J: Haa waad ogtoo dalkani waa dal yar oo aan aqoonsi ka haysan Adduunka, laakiin ku guulaystey dhismaha dawlad dimuquraaddi ah oo aan wax gashi ah Adduunka lagaga lahayn haddana waartey 23 sano. Sidaas darteed, waxaan talo ku fari lahaa Saaxiibbadey in aan guntiga dhiisha iska dhigno, dedaalka laban-laabno, dacad u ahaanno Qaranka, Somaliland Shacabkeedu innoo sinnaado si Somaliland u noqoto Qaran waara oo ka mudha adduunka intiisa kale.
Ta Saxaafadda, waxaan kula talin lahaa in ay xogta dhabta ah ee sugan ay u soo bandhigaan Shacabka. Saxaafadda waxa kale oo kula talin lahaa in ay badiyaan wararka Bulshada, hadda waxaa innagu badan wararka Siyaasadda, Saxaafadda waan ku dhisi karnaa dalkan. Markaa, waa in Saxaafaddu noqotaa mid wax lagu dhiso, tusaale ahaan in aad ka qayb-qadataan in aad dadka ku wacyi-gelisaan waddaniyadda iyo suulinta qabyaaladda. Ta Bulshada iyana waxaan odhan lahaa dalkiina jeclaada, suuliya qabyaaladda, is jeclaada dhexdiinna oo isku jeclaada in aad Somaliland wada leedihiin si aan u dhisanno Qaran horumarsan.