HUBAAL TV: DAAWO Video-gan: Xukuumadda Oo Qaramada Midoobay Ku Eedaysay Weedhaha Lagag Dayrinayo Ciidammada Somaliland Ee Saaxdheer Ku Sugan
“ waxaanu leenahay Xuduuddayada Baac ka mid ah oo aanu dib uga soo noqonaynaa ma jirto inaanu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland na jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay Cududda Militarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
Hadalka Xukumadda Somaliland ayaa daba socda Bayaan Wakiiladda Somalia u jooga UN-ka, EU-da iyo Maraykanka iyo waliba Madax Somalia ahi ku sheegayeen in laga saaro Saax-dheer Ciidanka Somaliland lana sii daayo Maxaabiista, hase ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ciidanku amarkiisa ku tagay Saax-dheer.