Hargeysa (Hubaal)- Toddobaadadii u dambeeyey masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliya, Somaliland, deeq-bixiyeyaasha iyo warbaahinta duniduba waxa ay u dhego taagayeen warbixin sannadeedka Guddida Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka iyo la socoshada xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea looga bartay in ay sannad kasta soo saarto bilahan oo kale. Warbixintaas oo
guddida afka qalaad lagu yidhaahdo Monitoring Group ay ku eegaan dhinacyada hubka, musuq-maasuqa, maamul xumada iyo qaladaadka kale ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo dalalka kale ee si uun arrimahaasi ugu xidhiidhiyaan ayaa qayb ka mid ah oo uu wargeyskan Geeska Afrika helay waxa ay ka hadlaysaa laba qodob oo daba socda isla warbixintii tan oo kale ahayd ee sannadkii hore ay soo saartay guddidu oo ahaa hubka uu ururka Al-Shabaab ka helo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadaalka aan kala joogsi lahayn ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku doonayo in uu gacanta ku dhigo lacagihii iyo hantidii kale ee dowladdii Siyaad Barre u yaallay bangiyada dunida ama ay dowladdaas Soomaaliya ku lahayd dalalka shisheeyaha, hantidaas oo Somaliland ay sharci ahaan wax ku yeelanayso ayaa uu Xasan Sheekh Maxamuud soo deynteeda u adeegsaday shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Schulman Rogers oo dhinaca sharciga ka shaqaysa. Sida warbixintan ka muuqata Guddidan Qaramada Midoobey igmat waxa ay aaminsan yihiin in lacagahan uu raadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doonayo in loo isticmaalo si aan waafaqsanayn shuruucda u yaalla hantida qaranka, oo ay cid gaar ahi si shakhsiya ugu takri-falayso.
Guddidu waxa ay heshay oo warbixintodan ay ku soo qaaten farriimo qoraal ah oo badan oo ay is dhaafsadeen dhinacyada ay arrinta lacagtan iyo hubku khusayso, dadka sida gaarka ah farriimahan la isu diray ugu xusan ee ay warbixintu sheegayso in ay ku lug leeyihiin hawlahaas socdana waxaa ka mid ah xawaaladda Hodan Global Service iyo laba nin oo lagu kala magacaabo, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab iyo Cabdicasiis Xasan Giyaajo (Amalo) labadan nin oo sidoo kalana ku magacaaban la-taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya.
Haddaba mid ka mid ah farriimaha guddidu soo heshay oo uu Cabdicasiis Amalo u qoray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhex muuqata Somaliland waxa aanay warbixinta ugu qortay sidan: “…. 6dii Bishii Kow iyo Tobnaad 2013, ayaa Cabdicasiis Amalo uu madaxweyne Maxamuud uu u qoray qoraal ku qornaa Af-Soomaali (Guddida ayaa Ingiriisi u rugtay, kadib Geeska Afrika ayaa mar kale Af Soomaali u soo rogay); “Waxa aan maanta aad ugu faraxsanahay, in ay suurtogal noqotay in lacagtii taallay gobolka New York la inoo soo diray, waa guul weyn.
Waxa aynu caqabado kala kulannay Somaliland iyo Puntland. Lacagta hadhay ee taalla Yurub tiradeedu qiyaastii waa 60 illaa 70 Milyan oo doolar, waa marka lagu daro 25 Milyan oo doolar oo si qalad ah loo siiyey Somaliland, laakiin laga soo celin doono. Arrimahan iyo kuwo yaryar oo kale oo Shantii sano ee u dambeeyey aynu ku hawlanayn, aniga, Jeremy iyo Xaaji Muuse-na aanu halkii sano ee u dambeeyey ka shaqaynaynay.
Mudane madaxweyne, dhammaan arrimahaasi waa hab aanu doonayno in aanu kor ugu qaadno xushmadda dowladda. Waxaa jira dad badan oo dowladihii hore iyo taadanba la soo shaqeeyey oo doonayey in aanu daaha dabadiisa kala shaqayno, laakiin waanu ka diidnay. Waxa aan arkay seedigay Abukar Carman, ergeygii hore ee Washington DC fadhiyey, oo imika aanu xidhiidhkayagu fiicnayn.
Qadiyadda labaad ee dhacdayna waa in dad badani ay nagu eedeeyeen in aanu tuug nahay. Waxaa warkaas wada niman Mareexaan ah oo la shaqayn jiray raysalwasaarihii hore. Sida marka horeba la ogaa waxa ay ka soo horjeedeen in hawshan ay qabato shirkadda Shulman’s waxa aanay doonayeen in Baanka adduunku uu shaqada qabto. Laakiin mudane madaxweyne waa in aad ogaataa in haddii lacagtaasi ay soo marto baanka adduunka, inta aad ka helaysaa ay noqonayso boqolkiiba 25 keliya, inta kalana ay iyagu haynayaan, taas oo ay kaga duwan tahay shirkaddan Shulman oo iyadu u diyaar ah in ay lacagta oo dhan ku soo xawisho magacaaga. Mudane madaxweyne waa aynu odhan karnaa intayada arrintan la socotaa waa dad qaraabo ah, laakiin ogow oo shalay markii aan Sheekh Shariif la shaqaynayey ma’aanu is aqoonin, qaraabana maanu ahayn. Waxa aanu nasiib ku leenahay in aad noqotay madaxweyne fiican, waayo, mar kasta oo mucaaradadu badato, tallaabooyinka hore loo qaadayaana waa ay badanayaan. Ugu dambayntiina sida aad adiguba si fiican u garanayso, markii madaxweyne Kennedy la weydiiyey sababta uu walaalkii uga dhigay xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykan, waxa uu ku jawaabay, “Raalli gelin kama bixinayo, guusha ay qosykaygu gaadheen”
Dhinaca hubka:
Warbixintan guddidu waxa ay mar kale ku celisay in uu jiro xidhiidh dhinaca ganacsiga hubka ah oo ka dhexeeya dad aad uga ag dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ururka Al-Shabaab. Iyada oo si gaar ah uga warramaysa hub ay guddidu sheegtay in loo gudbiyey magaalada Cadalle, waxa ay sheegtay in mar hore oo ahayd 6dii Bishii Labaad 2014ka ay uga warbixiyeen in uu jiray hub loo gudbiyey hoggaamiye Al-shabaab ah oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Ciise “Kabo-ku-tukade” waxa aanay arrintaas la xidhiidhiyeen isla labadii nin ee hore ee ahaa Cabdicasiis Amalo iyo Muuse Ganjab. Warbixintan waxaa lagu xusay qoraal uu 26kii Bishii Tobnaad 2013ka Cabdicasiis Amalo e-mail ugu diray Muuse Ganjab oo cinwaankiisu ahaa, “Hubkii Cadale” una dhignaa sidan, “Hubkii Cadale ku socday waa uu tegey, sidaa awgeed waxa aan kula socodsiinayaa in labadii qori ee waaweynaa gacanta laga geliyo Sheekh Kabo-ku-tukade, labadii Kontiiner ee hubka fudud ahaa iyo saddexdii Suugna waxaa iska leh Cabdi Qaybdiid oo siinaya Maleeshiyadiisa cusub. Axmed Godane waxa uu tegeyaa Ceel Buur, sidaa awgeed heshiiskii u dhexeeyey isaga iyo madaxweynaha waa in la dhamaystiraa… Mahadsanid. Cabdcasiis”
Warbixintu waxa ay sheegtay in 27kii Bishii Tobnaad 2013ka uu Muuse Ganjab farriintan u sii gudbiyey e-mailka ah abukarj@hotmail.com, oo ah isla cinwaanka ay xawaaladda Hodan Global Services u dirtay lacag dhan 40 kun oo doolar, waxaana la aaminsan yahay in cinwaankaas internet ka uu leeyahay Abukar Ganjab.
Ugu dambayntii warbixinta qaybteedan uu Wargeyska Geeska Afrika helay oo ka koobnayd 36 bog, waxa ay guddidu ku soo xidhay talooyinkeeda oo ay ka mid tahay, “Guddidu iyada oo ka duulaysa xogta ay soo bandhigtay waxa ay ku talinaysaa in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo hay’adaha lacagta ee haya hantida ay leedahay Soomaaliya in ay xayiraan oo aanay cid siinin, illaa la gaadho xilli la heli karo nidaam cad, oo daah-furan lalana xisaabtami karo oo ay dowladda Soomaaliya lacagtaas ku soo ceshanayso”