Addis Ababa Ethiopia,(Hubaal)- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan aan hore loo shaacini magaalada Addis Ababa ku dhexmarayo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmad iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas.
Ra’isal Wasaraha Somalia ayaa habeen hore gaadhey magaalada Addis Ababa kadib markii uu ka duuley magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmahii lasoo dhaafey.
Lama oga qodobada ay kawada hadlayaan labadan mas’uul balse warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in wadahadalkooda uu diirada saarayo xidhiidhka go’an ee labada dhinac iyo arrimo ku saabsan heshiisyada shirkadaha shidaalka. Sidoo kale waxaan cadeyn in wadahadalkan dawlada Ethiopia qayb ka tahay iyo wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD doorka ay ku leeyihiin.
Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu ka dhoofayey magaalada Garowe aan shaacin inuu magaalada Addis Ababa kula kulmayo Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa, hase ahaatee todobaadyadii lasoo dhaafey go’aamo kasoo baxey Garowe ayaa meesha ka saarayay xidhiidhka labadan dhinac oo isku khilaafsan maamul goboleedyadda beesha Caalamku dalkaas u kala qaybisay, gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Addis-Ababa kulan kula leh madaxda shirkada African Oil, kuwaasoo dhowaan shuruud ku xidhey wadashaqeyn dambe oo Puntland dhexmarta. Taasoo la sheegay inay ugu mudantahay qoraal ay doonayaan shirkad ahaan inay ka helaan dawladda Somaaliya.