Hargeysa, Somaliland, (hubaal)- Shidaal yaraan baahsan ayaa soo foodsaartay guud ahaan Somaliland, kadib markii Kaalmaha shidaalka lagu iibiyo uu gabaabsi ku noqday shidaalka gaar ahaan Badroolka (Patrol) oo ay ku shaqeeyaan Baabuurta yaryar ee dadweynuhu adeegsadaan.
Shidaal yaraantan saamaysay guud ahaan bulshada ayaa todobaadkii u dambeeyey si weyn looga dareemay isku socodkii gaadiidka Somaliland dhex mushaaxi jiray, taas oo keentay inay yaraadeen saxmadii gaadiidka yaryar ee raaxada ah oo si weyn loo dareemi jiray saacadaha dadweynuhu shaqooyinka ku socdaan iyo marka ay ka soo rawaxayaan balse hadda ay wadooyinku haawanayaan ama gaadiid tiro yari marayaan.
Kaalmaha Shidaalka oo uu aad ugu yaryahay Shidaalka nooca Badroolka ah ayaa hadiiba aad ka hesho waxa uu qiimuhu gaadhay halkii Liter 8,000SL/SH halka uu awal hore ka ahaa halka liter 6,500SL/SH.
Axmed Cali Warfaa oo ka mid ah dhalinyarada gaadiidka yaryar wata ayaa sheegay in maalintii shalay mar uu gaadhigiisu kaga goostay meel u dhaw Suuqa, isla markaana uu shidaal u doontay kaalin shidaal oo halkaasi ka dhaweyd ay shaqaalihii Kaalinta Shidaalku u sheegeen in aanay ka wada iibin karin shan liter oo shidaal ah oo uu dalbaday balse maadaama oo gaadhigu uu ka goostay ay ka iibin karaan laba liter oo uu meesha kaga dhaqaaqo.
“Maanta(shalay) waadiga arkaya inay gaadiidkii ku yaraaday wadooyinka waxaana keenay shiidaal yaraanta jirta, waxayna kaalmaha shiidaalku markii ay arkeen shiidaal yaradda ayey wada xidheen si ay faa’iiddo badan u helaan”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf oo ka hadlayey shiidaal yaraanta
Bishii u dambeeyey ayaa dadweynuhu hadal hayeen shiidaalka yaraaday, haseyeeshee xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Ganacsiga ayaan illaa hadda ka hadal sababta keentay Shiidaal yaraanta ay werwer weyn ka qabaan dadweynuhu inay saamayso maceeshadda daruuriga ah maadaama oo ay tahay wax isku xidhan.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aanay xukuumaddu talaabo degdeg ah qaadin waxay buuq iyo muran ku abuuraysa bulshadda iyo xukuumadda taas oo fursad fiican oo ay xisbiyaddu ku dhaliili karaan noqon karto.