Hargeysa (Hubaa) -Fadhiga Golaha Wakiilada Somaliland, ee maanta oo ah kalfadhigii afar iyo labaatnaad ee dooda ajnadaha oo sabtidii shaley furmey, ayaa maanta si rasmi ah Xildhibaanadu u bilaabeen dooda ajandaha Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland iyadoo kooramka Xildhibaanada buuxey, waxaanay mudanayaashu kusoo bandhigeen dood adag oo ay ugu muhiimsaneyd Madexweynaha in loo yeedho oo uu Golaha hor yimaado,si wax looga weydiiyo siyaasada ay dalka xukuumadiisu ku hageyso.
Dooda ajandaha Kalfadhiga 24aad ee Golaha Wakiilada oo fadhigii maanta si rasmi ah u bilaabantey, ayaa waxa kamid ahaa qodobada lasoo dhigay Xeerka Saxaafada, oo ay Xildhibaanadu kasaareen, iyo xeerarka kale oo ay kamid yihiin Xeerka Baananka,dib u eegista xeerkii diiwaan galinta codeeyayaasha, xeerkii Caasimada, xeerkii Waxbarashada, iyo xeerka ilaalinta duur joogta iyo keymaha.
Hadaba nuxurka doodan ajandaha kalfadhiga 24aad ee Golaha Wakiilada waxa ay Xildhibaanada had iyo jeer dhaliila Xukuumada Madexweyne Siilaanyo oo ay kamid yihiin Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Cali Barre, Xildhibaan Siciid Warsame Gaame, iyo Xubno kale ku dalbadeen in Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), la horkeeno Golaha si wax looga weydiiyo Siyaasada ay Xukuumadiisu ku hageyso dalka, marka loo Tusaalayaasha ay kusoo qaateen dhinacyada Xidhiidhka dallaka dariskeena, oo xumaadey Golaha Wakiilada oo aan ka warheynin qaabka loo hagayo dalka, iyo arimo kale oo ay kamid yihiin sida loola dhaqmo Xubnaha Xildhibaanada lasoo doortey, ee Golaha Wakiilada oo loola dhaqmo si ka baxsan maamuuska iyo karaamada ay ku leeyihiin dalka, waxaanay arintaasi ku xuseen mudanayaashu in ay marar hore wax ka weydiiyeen, Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo Golaha hor yimid balse, aanay wax ka qabanin Arintaasi.
Sikastaba ha ahaatee dooda ajandahan, kalfadhiga 24 aad ee Golaha Wakiilada ayaa lagu wadaa in ay socon doonto ilaa maalinta Bari ah, iyadoo cod loo qaadi doono marka ay dhamaato, inkastoo dadweynaha Reer Somaliland xiligan siweyn u xiiseynayaan in Mudanayaasha Golaha Wakiiladu usoo bandhigaan Xukuumada qodobo adag, iyo su,aalo Madexweynaha wax lagaga weydiiyo nidaamka hogaanka dalka ee Xukuumadiisu ku shaqeyso xiligan, waxa kale oo maalmahan aad loo hadalhayay, in ay dib u dhacdey khudbad sanadeedkii Madexweynuhu ka hor jeedin lahaa labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland(Wakiilada iyo Gurrtida) oo sharci ahaan ku beegneyd in uu jeediyo Bilowgii sanadkan 2014ka ama dhamaadka sanadkii tagey 2013ka, waxaana lagu xasuustaa khudbad sanadeedkiisii hore ee uu ujeediyay Madexweyne Siilaanyo labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida) oo uu kusoo darey, in Xukuumadu dhameysey Dhismaha Jidka u dhexeeya Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ayaa maanta kusoo beegantey in uu xadhiga kasoo jaro jidkaasi halka aanay, ilaa hada dhamaanin arintii Ceel-Bardaale oo khudbadaa hore uu ku sheegay in Xukuumadiisu ka faraxalatey.