BARIGA HARGEISA OO BOORAME DAB-DAMIS KA DALBADAY, QALINKII:BAXNAAN XAAJI ADEN

0
67

Waar heedhe ,wax falan baad tee Feysal oo qudha ma aheyn dee .dhowr iyo toban bay ahaayeen wax la bedelay ama la eryeyba.

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Waar kaalay ,Bariga hargeisa horta ma booramaa laga xukumaa?

Dhaashe:Oo waayo ?

Dhaqane:Dee sowtii markii uu gubtay hotel Kaah cidina dab-damis u soo diri wayday.Waxaan maqlay Boorame ayaa laba xabo oo dab-damis  ah u soo dirtay  markay aragtay meeshan aan cidina danta kalahayn ee iska gubanaysa.Waar yeelkeedee waxan ku waydiiyey maxaa ku gasheen taliyihii ilaalada madaxtooyadana?Weligay intaan nin sarkaala oo ciidan ah arkayey ninkaa Gaashanle Feysal Kamil nin ka akhlaaq wanaagsan oo ka yaqaan nidaamka ciidamada ma arag.Oo haddii Wajaale mudaharaado ka dhacaan  ma Feysal kamil baa eryeysaan ?Waar nidaamka dowladnimada barta nimanyow.

Dhaashane:Waar heedhe ,wax falan baad tee Feysal oo qudha ma aheyn dee .dhowr iyo toban bay ahaayeen wax la bedelay ama  la eryeyba.

Dhaqane:Oo kan aa ku bedesheena waa qoloma?

Dhaashane:Waar sidii nin weyn u hadal dee .

Dhaqane:Oo Kulmiyeba sowdinkii Qabiilka ku qaybsaday .Mid aanu ilmaadeer nahay oo Ucid ah ayaa shirkii Kulmiye iiga soo waramayey oo markaan ku idhi :Waar Ucid miyaad ka baxday ?igu yidhi:Mayee ergadii qabiilka ee reerka ayaan halkan ku fadhiyaa.Maxaad markaa ku diidi hadaanu qabiilkiisa ku waydiino?

Dhaashane:Dowladnimada barta,dowladnimada barta duunbaad   gurtaaye yaanu ka baranaa naga yaqaan anaka?

Dhaqane:Dee malaa haduu baa magaalaba idiinku horaysee waxay aheyd inaa wax ka barataan macallinkii dowladnimada marxuum Mohamed xaaji ibrahim cigaal ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.Waa ninkaan idhi dee:

 

Halyey nagu qaaliyoo

 

Mar qudha la hilmaamin iyo

 

Hogaan culus buu ahaa

 

Aqoonyahan lagu hirtoo

 

Habkiyo dhisme dowladnimo

 

Hal doorkii laga bartee

 

Samaa hirgeshuu ahaa

 

Habeen -dhaladbuu ahaa

 

Halqigu wada jecelyahoo

 

Dantiyo howlaha arligu

 

Halkay ka qaloocanyiin

 

Hubaal wada toosiyoo

 

Hanaan lagu qanacsanyahay

 

U hawl gala buu ahaa

 

Hibo iyo sharaf buu lahaa

 

Horjoosiga dhaqanka mudan

 

Markuu halal maaganyahay

 

Howraarta ka soo baxdaa

 

Heerkay gaadhsiisantahay

 

Hiyigu raacuu lahaa

 

Hedaadu haday timaado

 

Hohay geeraan aqoone

 

Hal-door buuxuu ahaa

 

Alow hanfiqii jannada

 

Wanaagii ugu hibee

 

Alow iilkiyo hogana

 

Suaasha u hawl yaree.

 

Aamiin Aamiin

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

Sweden

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here