Ucid+Wadani+Madasha wada tashiga iyo toosinta qarranka> Kulmiye. Somaliland waa shan farood, shantaa farood Kulmiye waxa uu kaga beegan yahay farta ugu yar. Arin farxad leh weeye maanta hadii saddexdii xisbi qaran lab aka mid ah oo ay weheliyaan siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qarranku u guntadeen sidii ay u badbaadin lahaayeen qarranka booraanta lagu sii wado.Waxa siyaasiyiinta Kulmiye ku celcelinayan madasha wada tashigu waa odayaal meel iska fadhiya hase yeeshe waxay indhaha ka qarsanayaan in dastuurka soomaliland u fasaxayo in bulshadu isku abaabuli karto ururo. Shakhsiyaadka ixtiraami waaya dastuurka ummad dhami dhigatey iyaguna ma geyaan in laga xishoodo. Iyada oo Kulmiye ku taamayaan iney mar labaad sifo maxlal ah oo aan dastuurka waafaqsaneyn iney ku meel marsadaan hogaaminta ummada reer Somaliland. Arintaas oo ah mid aan soconeyn xilligan lagu jirro xaalada wadanku halka uu maraayo. Bisha juun 26 keeeda 2015 marka ay gaadho, xilkii wuu ka dhamaadey gollohii wakiilada, Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo intaba. Loomana aqoonsanayo Madaxweyne Siilaanyo xilka hogaaminta ummada ee uu huwan yahay. Hadii uu diiwaan gelintii iyo doorasho xor ah qaban waayo. Hadii arintaa uu indhaha ka qarsadao oo is yidhaa sidan ayey kuugu badineysaa, wax ka soconaya maaha. Its their headache. Waxa la soo dhisayaa dawlad wadaaga oo nool oo walaaleysa shacbiga reer Somaliland inta la qabanayo diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashadab.Waxa shacbigu si weyn uga soo horjeedaan in xukuumada oo adeegsanaya odayo ay wadadaa u adeegsato. Hadii taasi dhacdo Siilaanyo waxa uu noqon doonaa odey reer burco ah oo iskii isu cumaamadey. Waxna kagama duwanaanayo inanka ka shaahaynaya maqaaxida cabdi aadan gabas.
Madaxweyne Siilaanyo sidii gaadhi daaley oo geeresh lagu xereeyey ayuu ku dul cadilmey wadanka. Waxay ila tahay in aanu isagu rabin in uu kordhisto hase yeeshee ay kooxdiisiina weli qaadayaan heestii dalkeena nimcaa fadhida ay rabaan iney tallaabadan qaadaan iyaga oo aan dan k a lahayn jiritaanka qarranimada wadankan. Tamardarada xukuumadiisa waxa ka markhaati kacaya. Mudadii uu xilka hayey lama soo heleyo warqad keliya oo uu ugu bandhigayo dunida qadiyada soomaaliland iyo sidii ay ictiraaf u heli lahayd. Halka alle ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal la hayo in ka badan shan boqol oo warqadood oo uu si mug leh ugula garnaqsanayo midowga yurub, mareykanka, midowga quruumaha, midowga afrika iyo eeshiyada. Madaxweyne siilaanyo maanta waad arkeysaan in dalkii uu konttinar dusha kaga xidhey . wadamadii jaarkuna xuduudaha ka ooteen, taas oo ay sabab u tahay siyaasad xumada xukuumadiisa. Waxa intaas b aka sii daran in gobboladii qaar lagu muransan yahay maamul gobboleedana laga wado arintaas oo aan hore u dhicin intii uu qarrankani jirey. Ugu dambeyn in la dhiso dawlad wadajir ah waa xal lagu badbaadinayo qarranimada wadankan.
Allaa mahad leh
WACAYS AXMED MAXAMUUD
BARRE ADDUUNYO
Germany Frankfurt