HUBAAL TV: MaalinTilmaamman Oo Maanso Tuf Leh Uu Ibraahim Gadhle Madal Taariikhaysan Ka Tirinayo+DAAWO VIDEO Xusuus Leh   

0
84

 …..Gabaarraydii naaxdiyo, Gofannihii ku cuni jiray, Mar haddii lagaa guray, Ha gaagixin, ha-gamashiyin,  Kaan gabin dadkiisiyo, Gaajada ka bi’iyiyo, Webi aan gudhayn noqo….

Hargeysa (Hubaal)- Akhyaarta Hubaal Media Ku Xidhan waxa aanu halkan idinku soo gudninaynaa sidii aad horeba uga barateen Muuqaalladdii Video-ga ahaa ee aanu toddobaadkii hal mar ku soo qaadan jirnay raad  raaca taariikhda, isla markaana aanu dib idiinku xusuusinayno Mahadhooyinkii ay bulshadeenu u soo martay ka midho dhalinta himilladii aynu ku xoraynay dalkeena.

Toddobaadkii hore waxaanu idiin so baahinay khudbadii uu Madaxweynihi u horeeyey ka jeediyey shirweynihi beelaha Somaliland ee ay madax banaannideeda dib ugula soo noqotay ee ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sanadkii 1991kii, Maantanna waxaanu halkan idiinku soo bandhignaynaa Maanso qiimo badan oo intii shirweynuhu socday uu Madasha ka tiriyey Alla ha u naxariistee Abwaankii la hollin waayay ee Ibrahaim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-gadhle), maansadan oo uu kula hadlayo Dhulka iyo hanashada aynu dib u soohelnay calankeenii, sidoo kalena ay u god galeen mujaahidiin ma dhaafaan ahaa oo u hoyday ka midho dhalinta halganka.

Maansadan oo aanu ugu magic darnay [Garo adiga inuu yahay] oo uu abwaanku kula hadlayo dhulka waxa ereyadeeda kamid ah:

 Kii shalay Gumaysigu,

gar-darrada ku haystee

Guubaabo dheer iyo

Gacan lagu xoreeyee

Markii dhiig ku gobo’ yidhi,

Isticmaar ka guuree

Caawana gobta ahoow.

Sebenkii guhaadiyo,

gefka aan ku noolayn

Gantaalaha shisheeyaha

marka lagugu soo gano

Ee geesigaagiyo,

bannada lagaa dilo

Waadigii gil-gilan jiree

Gar-darrada nacaayee

Mar haddaan ku guud sudhay

Calan aan gaboobayn

Aan Weliba gaadh iyo

Kuu sameeyey gaadiid

Ha gariirine noqo

Mid aan gibisha naga ridin.

Gabaarraydii naaxdiyo

Gofannihii ku cuni jiray

Mar haddii lagaa guray

God-lataye dhulkaygoow

Ha gaagixin, ha-gamashiyin

Kaan gabin dadkiisiyo

Gaajada ka bi’iyiyo

Webi aan gudhayn noqo.

Geediga labaad iyo

Maansadaan u galayaa

Waa gar-sheeggadkaygiyo

Calankay u gaar tahay.

Calanyow gar-goorkiyo

Geedaha la midabee

Dhulka geesta uga egi

Gobolna yahay casaankee

Magic guulle lagu qoray

Guudkaaga dhiiggaa

Waxa lagu galbinayaa

Xinjir gubati laga qubay.

Gudbiyey oo aan dhaafee

Kuwa galabta mootanee

Geeriyooday awgaa

Tiro laguma garan karo

Aanse gibil ka sheegee,

Shiine yaa gondaa iyo

Garka iyo wadnaa jaray

Inay gaadmo hoosiyo

Isticmaar geddii tahay

Gunno qaato lagu diray

Gebi waan ogsoonnahay.

Lixle goobtii lagu dilay

Gaar bay u qoran tahay.

Koosaar lama gunaannadin

Iilkiyo god lama dhigin

Hayeeshee gabraartiyo

Gallatari hiilkeed

Kuwii weerar gawracay

Kood-buurna ila garo

Gulufkiyo colaadaha

Markay gebo-gabaha tahay

Gulufkiisii fiicnaa

Gacma dheere iyo dhagax

Kii gudihii siiyoow

Godobtaadu weynaa

Waxa gebi ahaanteed

Lala guud madow yahay

Geeridii Maxamed Cali

Godka lagu janneegii

Gudan jiray xilkiisii

Geesigii Saleebaan

Laga soo garoocee

Gabashada aqoon jirin

Garoo Aadan weeyee

Maalintii gammuunkiyo

Lala helay gantaalaha

Ilmadaydii gabax tidhi

Godantay biyeyn layd.

Gobtaa ay gumaadeen

Gaashaankii dirirtay

La galeen xabaashoo

Gobannimona may maqal

Ciil baa ku gaaxdee

Inaan goolkii dhalinoo

La gudboonay duniddoo

Geyi madax bannaan nahay

Adigaa warka u geyn

Guullana u weydii

Naxariis aan gudhin iyo

Garabkii rasuulkii

Guryo inay ku yeeshaan.

Kuwan geesahaygiyo

Goonyaha ka muuqdaa

Waa gurboodkii soo hadhay

Dumarkii goblamay iyo

Gobol baa agooma ah

Kii gargaari laayee

Gaajada ka bi’in lahaa

Garo adiga inuu yahay.

Kuman baa gacmaa iyo

Kuman baa gurguurtoo’

La gammuuray lugahee

Oo gaban-gaabshanaayee

Gacal lagama maarmee

Kii garabka qaban lahaa

Garo adiga inuu yahay

uvs140713-003

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here