Haregysa (Hubaal)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maayirka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa si kala duwan oo is-burinaya uga hadlay dhaqaalaha ku baxay gaadiid dab-damis ah oo loo iibiyey dawladda Hoose ee Hargeysa.
Xaflad loo qabtay loo qabtay gaadiid dam-damis ah oo Wasaaradda Maaliyaddu ku wareejiyey dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana lagu dhagax-dhigay xarunta dab-damiska shalay, waxa ka hadlay Wasiirka Maaliyadda iyo Maayirka Hargeysa, kuwaasoo si is-khilaafsan u sharraxay lacagta ku baxday iibka gaadiidka dam-damiska iyo cidda bixisay.
Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ku faanay in wasaaraddiisu bixisay lacagta lagu iibiyey gaadiidka dab-damiska oo xaddigeedu dhan yahay ilaa $300 kun oo dollar, laakiin Maayirka Hargeysa ayaa isna sheegay in lacag dhan $260 kun oo dollar ay bixiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda, halka dawladda hoose-na ka bixisay $100 kun oo dollar, ganacsatada suuqa Waaheenna ku dareen $20 kun oo dollar, hadalkaas oo ah mid burinaya doodda Wasiir Samaale ku sheegtay in wasaaraddiisu bixisay lacagta gaadiidkaas lagu iibiyey.
Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay in lacagta u horraysay ee bud-dhigga u ahayd iibinta gaadiidka dab-damiska ah ay bixisay wasaaraddiisu, waxaannu yidhi; “Waxa nasiib-wanaag ah oo caasimadda dalku nasiib u yeelatay in xukuumaddu u keento gaadiid dab-damisyo ah, waana waxyaabaha aannu Ilaahay ugu mahadino, ummaddana in aannu wax u qabanay ayey arrintani caddaynaysaa. Hawshani waqti hore ayey soo bilaamantay, laakiin cidda ku dhiirratay waa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Lacagtii ugu horreysay ee lagu bud-dhigayey waxa bixisay Wasaaradda Maaliyada oo gelisay miisaanaddii 2013 ee Golaha Wakiilladu ansixiyey. Kadib wada-tashi badan oo aannu la yeelannay Wasaaradda Daakhiliga, Taliyaha Booliska, Maayirka Caasimadda iyo guddidaba si hawsha loo dardargaliyo, lacagta badankeeda waxa bixisay Wasaaradda maaliyadda, taasoo dhan $300,000 doollar (saddex boqol oo kun oo dollar). Hawshani waa mid ballaadhan oo wax badan soo kordhisay. Runtii qalabkan markii ugu horreysay ee la keenay dalka waxa lagu soo bandhigay xuskii 18 May. Maalintaas Wasiir Cali Warancade ayaannu kaftannay oo waxaan ku idhi; ‘maxaa loogu qori waayey Wasaaradda Maaliyadda ayaa qalabkan soo iibisay, waayo waxa ku qoran Dawladda Hoose ee Hargeysa?’ Markaa dawladda hoose ee Hargeysa waanagaa ku wareejinnay, qaybayna ka qaadatay soo iibinteeda, laakiin lacagta Wasaaradda Maaliyadda ayaa bixisay, balse Wasaaradda Maaliyadda umaanan soo iibin ee qaranka ayaannu u soo iibinnay, caasimadda ayaannu u soo iibinnay.”
Hasayeeshee, Maayirka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo goobta ka hadlay, ayaa is-khilaafsan hadalka Wasiirka Maaliyadda u faahfaahiyey lacagta ku baxday qalabka dam-damiska iyo cidda lacagtaas bixisay, isagoo sheegay in madaxweynaha, wasaaradda maaliyadda, dawladda hoose iyo ganacsatada suuqa Waaheen ka wada qaybqaateen dhaqaalaha gaadiidka dam-damiska lagu soo iibiyey.
“Runtii dab-damiskan la soo iibayey waxa lacagta bixiyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda, lacagtaas oo ah $260,000 dollar, (laba boqol iyo lixdan kun oo dollar). Dawladda Hoose waxay bixisay $100 kun oo doollar iyo Suuqa Waaheen oo bixiyey $20 kun oo dollar. Xaruntani waa xaruntii dab-damiska ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo aannu sameynaynaa afar xarumood oo daafaha magaalada laga dhisi doono oo dab-damisku ku iidi doono, waxa kaloo labada suuq ee Waaheen iyo Gobonnimo u samayn doonnaa laba dhuumood oo waaweyn oo biyo ah si wixii dhib ah ee yimaad lagu bakhtiiyo, waxa kaleoo aanu keenay qalabkii bakhtiinayey hadduu shidaal gubto,” ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in lacagta badankeeda bixisay Wasaaradda Maaliyadda. Waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay in baahi badan bulshada Somaliland u qabtay helista gaadiidka lagula dagaallamo dabka.
“Mashruucani waa mid bilow ah, laakiin waxa lanaga sugaya afarta degmo ee magaalada Hargeysa sidii aannu ugu sameyn lahayn baabuur dabdamis oo u gaar ah. Waxa kale oo jirta in gobolladii kale ee Somaliland u baahan yihiin baabuurta dabdamiska, kuwaasoo dabka dhib badan ka haysto oo magaalooyinka qaarkood bakhaarradii ku yaallay laba casho gubanayaan, sidaa daradeed aniga iyo Wasiirka Maaliyaddu waa in aannu u diyaargarownaa baahidaas oo sannad walba Wasiirka Maaliyaddu miisaniyadda ugu daraa lacag, taasoo qorshuhu yahay in guud ahaan Somaliland min tuulo illaa degmo ay hesho dabdamisyo,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa kaloo uu shacabka reer Somaliland u diray farriin ku aaddan hawsha dabdamiska oo uu xusay in aanay goob walba joogin, “Sidaa awgeed, haddii baabuurtu ka soo habsaaman waa in aanay dadku shiidin iyagoo ka xanaaqsan raagidda laga raagay, markaa waa in dadku u samraan ilaa inta la helayo baabuur dabdamis oo xaafad walba yaal.
Waxa kaloon wadayaasha baabuurta ugu baaqayaa in marka ay maqlaan dhawaqa gawaadhida dabdamiska, kuwa caafimadka ee ambalaaska iyo booliska in waddooyinka loo banneeyo, si hawsha ay ku degdegayaan hore ugu gaadhaan, ciddii amarkaas ka hortimaadna tallaabo cad ayaannu ka qaadi doonnaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Daakhiliga oo digniin culus u diray wadayaasha baabuurta kala duwan ee dalka.