Hargeysa (Hubaal) Shirkadda isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa waxay ku soo bandhigtay mashruuc lagu maalgalinayo carruurta danyarta ah ee qabta xannuunka macaanka magaaladda Hargeysa. Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay masuuliyiinta shirkadda Telesom, wakiilka wasaarada caafimaadka, madaxa haayadda WHO, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada iyo waalidiinta dhalay carruurta iyagu ahaa kuwa mashruucan lagu maalgalinayay.
Mashruucan oo ay iska kaashadeen shirkadda Telesom iyo cusbitaalka Global poly clinic ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Dr. Cabdirisaaq oo ka socday Global poly clinic, waxa aanu ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay mashruucan, isaga oo xusay in mushruucan ay ugu talagaleen ubadka danyarta ah ee la nool xanuunka macaanka ee aan waalidkoodu heli karayn dhaqaale ay iskaga bixiyaan dawada.
Waxa isna sidoo kale ka hadlay masuul ka socday shirkadda Telesom ee maalgalisay mashruucan oo isna ku dheeraaday wax tarka uu leeyahay mashruucan.
Waxa sidoo kale ka hadlay wakiilka haayada WHO u fadhiya Somaliland marwo Aasiya Cismaan oo sheegatay baahida ay u baahantahay bulshada inteeda danyarta ah gaar ahaan carruurta xanuunka macaanka ah qabta oo ay xustay in xil ka saaran yahay bulshada inteeda kale.
Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay ayaa waxa ay ka sinaayeen taageerida carruurta danyarta ah ee la nool xanuunka macaanka iyaga oo bulshada u soo jeediyay inay wax taraan ubadkaas yar-yar ee danyarta ah isla markaana ku dhiiri galiyay in haayadaha caafimaadka iyo ururada bulshada inay garab galaan oo ay taageeraan qoysaska danyarta ah ee haysta carruurta xanuunka macaanka ah qabta
Si kastaba ha haatee shirkada Telesom ayaa iyadu ka qeyb qaadata taakulaynta bulshada inteeda daciifka ah