HUBAAL TV: Daawo Jewigii Shirweynaha Loogu Wanqalay [AFGARAD 3] Ee Beelaha ARAB Uga Qabsoomay Magaalada Balli-gubadle+SAWIRRO

0
28

Hargeysa (Hubaal)- Shirweyne ay qabsanayaan beelaha Arab, ayaa si si rami ah uga bilaabmay magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Balligubadle, kaasoo lagaga hadli doono danaha iyo aayaha mustaqbalka beelweynta Arab.
Shirkan oo la yidhaa Afragrad 3 waxa ka qaybgalay Salaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Wasiirro, Haween, dhallinyaro iyo dadweyne tiro badan oo beesha ah, kuwaasoo isaga kala yimi dalalka Somaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Yurub, Carbaha iyo Somaliland.
Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo shirkaas furay, ayaaa sheegay in muddada saddexda cisho ah ee shirkan socdo lagaga hadli doono aayaha iyo danaha beesha iyo mustaqbalka Somaliland oo aanay ku jirin wax turxaan iyo siyaasad midna ah, waxaannu u mahadnaqay dhammaan ka qaybgalayaasha beesha ee shirkan.
Suldaan Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu beesha kula dardaarmay inay nabadelyada, jiritaanka ilaalyaan.
“Waxa aan idil ahaanba soo dhawaynayaa dadweynaha aadka u tirade badan ee ka soo qaybgalay shirkan, madax-dhaqameedka isaga kala yimi Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya oo ay beeshu degto, farxad baanay ii tahay,” ayuu yidhi Suldaan Cumar.
Suldaan Bare Xaaji Xuseen Carraale, ayaa gebi ahaanba beelaha Arab ku booriyey inay jiritaanka iyo waxwada qabsiga ku dedalaan.
Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac (Foolgaawe), ayaa shirkan ku tilmaamay in guul iyo muhiimad badan u leh beesha, farxadweyna u tahay in beeshu isugu timaado shirweynaha Afgarad 3.
Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirka Beelaha Arab, gaar ahaan Maxamuud Xuseen Xirsi iyo Jaamac Koosaar Axmed, ayaa tilmaamay in hawsha qabanqaabadu aad u adkayd, kuna faraxsan yihiin in hirgalo shirka Afrad 3.
Shirkan oo sida cuqaasha iyo dadka hadlay sheegeen in aanu ku sal leeyahay aayaha iyo danaha beesha, ayaa maalmaha soo socda laga war sugaya qodobada ka soo baxa sida shararkii hore ee ay qabsadeen qaar ka mid ah beelaha Somaliland dega.

Shirweynaha Arab

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here