Waxaynu intaa badan ka war helna marka la xidho weriye gudanaaya waajibaadkiisi shaqo,kaaso ka hawl-galaa warbaahinta madaxa-banaan ee dalka laga leeyahay,waxaana intaa badan ka hor-yimmaada saxaafadda ku hadasha af-ka shacabka dhibaatooyin aan tiiro lahayn kuwaaso ku taxaaluqa awood sheegasho aan geedna loogu-soo gaban.haddi la saaro maxkamadna waxaay intaa badan tir-sadaan eex kuwaasoo aanay ka heelin,xaqa ay leedahay ee ah mid mu-waadinimo iyo saxaafadnimo-ba,laguma dhaqo goobah garsoorka xeerka saxaafadda Somaliland oo ay ansixiyeen baarlamaanka Somaliland iyo madaxweynuhu lama ogga sababta keenta had iyo goor waxaa saxaafadda loogu qaado xeer ciqaabeed aanay galab-san .
Hadaba waxaan la yaabay anshax xummada ay habeen iyo maalin lasoo taagan tahay warbaahinta laga maamulo madaxtooyada,oo ah arrimo intaa badan ay ka xishoodan saxaafadda madaxa-banaani,kuwaaso mar walbaa ku kaca cayda siyaasiyiinta kasoo hor jeeda madaxtooyada ee ay ku kala gediisan yihiin saxaada siyaasadda,waxaana dhaqaale lagu siiyaa sidaa ay u kala cay-badan yihiin iyaago dakhliga aan la qiiyaasi Karin,u ku baxo cayda mu-caaradka ay ku caayan,siyaasiyiintaas ayaa isaagu jiraa kuwo leh biri-ma geydo iyo mujaahidiintii wadanka usoo hal-gantay,.warbaahinta dawladda ayaan aqoon fiican u lahayn anshax warbaahineed waxaana intaa badan ugu wacan anshax xummada hawl-wadeenada warbaahinta dawladda,waxaa shaqada lagu keenna qaab qabyaaladeed iyaado dawlad walbaa oo timmaada ay soo kordhiiso koox cusub shaqaalaha wasaaradda ayaa hadda ah kuwo ay ku badan yihiin beesha madaxweyne siilaanyo oo hadda sidaa koron-koraada u jooga wasaaradda warfaafinta.
Waxaa Tv-ga siilaanyo uu caadeystay ber yahay danbe caydaa muuse bixikadib markii u yidhi mushaarax baan ahay.waxaana maseyr ka ay ka qaadeen madaxtooyaddu ay ku aamini waayeen maareeyihii Tv-ga siilaanyo,oo ay u aaneeyen beesha muuse inuu kasoo jeedo waxaa laga dhiimay awoodiisi maareeyonimo.waxaana lagu ballaamiyey inuu la socdo dhaq-dhaqaaqa maareeyaha.wasiirka guul-wadaha ah ee cukuse iyo oday da’ah oo laga keenay magaalada burco kaaso lagu magacaabo Xuseen Aw-jaamac Jibriil oo ahaan jiray weriyihii BBC-da ee togdheer.Waxaana hadda oday xuseen laga dhigay mid ay soo maraanwararkii laga siidayn jiray Tv-ga siilaanyo,waxaana mucjisaadu tahay kalsooni daradda lasoo deristay dawladda,taaso ku shaqaysaa xeer lagusoo dhisay dawladda basle aanay dadku ogeyn,waxaa kale oo hadda ay khaati ka taagan yihiin,shaqaaluhu ,weriyahan qabyaaladda lagu keenay meesha la soco…..
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel;4144434
Hargeisa/Somaliland