HUBAAL SPORTS: Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda shalay Oo Khamiis Ahayd.

0
35

akhyaarta sidaa tooska ah ugu xidhan qaybka Sports-ka waxaan sii toosa idiinku soo ururinay ciyaaryahanada la kala iib-saday iyo sidaa ay wargeysada caalmku wax uga qoreen. Macalinkii hore Tottenham Hotspur Tim Sherwood ayaa lala xiriirinayaa inuu qabto xilka tababaranimo ee kooxda Aston Villa kadib markii la ceyriyay macalin Paul Lambert.   Sida ay qortay: Birmingham Mail   Sidoo kale macalinka xulka qaranka Mareykanka Jurgen Klinsmann ayaa lala xiriirinayaa shaqada tababaranimo ee kooxdaan.  Sida ay qortay: Mirror   Daafacii hore Arsenal Scott Marshall isla markaana Paul Lambert kala shaqeynayay kooxda Aston Villa ayaa laga codsaday inuu diyaariyo kooxda wajaheysa Leicester.

transfer playersSida ay qortay: Guardian .  Bransilav Ivanovic ayaa loo maleynayaa inuu ganaax kala kulmo xiriirka FA-ga kadib markii uu ku xadgudbay burburiyaha Everton James McCarthy.  Sida ay qortay: Daily Mail  Steven Gerrard ayaa u muuqda inuu bil garoomada ka maqnaan doono kadib markii uu dhaawac dhanka muruqa ah lasoo darsay kulankii Spurs.  Sida ay qortay: The Times   Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay inuu 10-sano ku sugnaan doono garoonka Stamford Bridge si uu taariikh hor leh ugu dhigo Blues

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here