Maxkamad ku taala Masar ayaa amartay in damaanad lagu sii daayo laba ka mid ah weriyayaasha telefishenka Al Jazeera oo loo maxkamadeynayo in ay taageereen ururka dalkaasi laga mamnuucay ee Ikhwaanu Muslimiin.
Weriyayaashaas oo kala ah Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed ayaa la xukumay bishii lixaad ee sanadkii tagay, waxaana lala xiray weriye Peter Greste oo isna u shaqeenayey Al-Jazeera una dhashay dalka Australia.
Balse xukunkii lagu riday ayaa meesha laga saaray kaddib markii la amray in kiiskooda dib loo dhagaysto.
Peter Greste ayaa la sii daayey bilawgii bishan, waxaana loo musaafuriyey Australia.
Mohamed Fahmi oo isla haystay dhalashooyinka dalalka Canada iyo Masar ayaa go’aansaday in uu ka laabto dhalashada dalka Masar si loogu musaafuriyo Canada.
Weriyayaasha la haysto iyo weliba telefishenka ay u shaqeeyaan ee Al Jazeera waa ay beeneeyey eedeymaha loo haysto.
Dacwadooda ayaa dib loo dhagaysan doonaa 23-ka bishan Febraayo.
source:bbc