Hargaysa(Hubaal)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa Sheegay In ay Guulo Ka gadheen Dhalinyaradii Rab-shadaha ka samaynaysay Gudaha Magaalada Hargaysa.
waxa uu sheegay in Intoodii Badnayd Ay wehel ka dhigteen Xabsiyo Aad u Fog-fog Ka Dib Markii Ay Maxkmadu Xukuno ku riday.
Waalidiintii Caruurtooda Laga xidhay Ayaa iyagu Dalab Madaxwayne Warbaahinta Soo marayay iyaga oo Soo jeediyay inaan Caruurta Lag Gayn Xabsiyada Fog-fog.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Ayaa isaga arimahaasi ka hadlaya Waxa uu sheegay.”“Qofkasta oo Bulshad ka Mid Ahi waxa uu dareemay amaanku waxa uu yahay inuu Nabadna ku Seexdo Kuna Soo Tooso,waxaana noo qorshaysan in Saldhigyada iyo Rugaha Ciidanka La balaadhiyo oo hadba waxa ay Duruufto Noo Saamaxdo Dhisno,waana Qorshe wanaagsan,Halkii Aanu meel dheer uga Gurman Lahayn waxa ka fiican in goob kasta laga helo Rug Am saldhig Boolis.
waxa uu intaas ku daray Taliyaha Ciidanku isaga oo hadalkiisa siiwata.”cid Ciidanku ku daba Jiraan Maaha Ciidan oo dhan,Maaha Koox oo dhan,Lakiin waa Qaar Qorshaysan oo Nabad Galiyada wax u dhimaya,Hawl Galkaas Ciidanku Meel Fiican ayuu Marayaa,Qof kasta Marka Ay ciidanku Qabtaana,Sharciga ayaa Ciidanku Hor keeyaan Maxkamada iyo Xeer ilaalinta.
Taliye Fadal waxa uu sheegay Markii uu Hawl Galki Adkaaday In ay Dhalinyaro Badan Waalidiintood oo Xabsiyada ku jiray Ay u yimadeen,waxaana uu yidhi. “Waxa jira Markii uu Hawl Galka Ciidanku Adkaaday in Dad Badan oo waalidkood Xabsiga La dhigay in ay yimadeen sharcigan isku soo dhibeen,Qaar kale oo Waalidkood Keneenba way jiraan Marka uu Hawl Galka Ciidanku is Daba joog noqday.
Sidoo kale Taliye Fadal waxa intaas ku daray qof Aan Danbi Galin Inaan Sharciga La hor Gayn waxaana uu beeniyay Dad Sheegayay in Caruurtooda Sharci Daro Lagu xidhay. “Ciidanku Waxa uu qabtaa wax kasta oo Amniga lid ku Ah iyo kuwa Kooxa Kooxaha isku Laahay Am bulshada Dhibateeya ee dhaawac-yada Gaystay ee dadka booba Ayaa Ciidanku Qabtaan Lakiin Qofna La iskama Soo Ataago.
dhinaca kale Waalidiintii Ay ka xidhnayeen Caruurtu ayaa Madaxwaynaha somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Ka dalbaday inaan Caruurta Laga Fogayn iyaga oo sheegay in Wixii Danbi Ah ee ay leeyihiin Loo Caqli Celiyo,Lakiin Siday ay shegeen inaan Lagag Jarin Xabsiyo Fog-fog oo La Geeyo.
Tan iyo Markii uu Hawl Galka Bilaabay Ciidanka Booliska somaliland AY gacanta ku soo dhigeen Koox Sida uu taliye Fadal Sheegay Qas-wadayaal Ah, ayaa hadana waxa isa soo tarayay Cabasho ka soo yeedhaysay Dadkii Caruurta Laga Xidhay iyaga oo dalbanaya in Xoriyadooda Lasiiyo Caruurta Hadaanay Danbiyo Galin.
Maxamed Jiglan
Source:HWN