Hargeysa(Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay qodobbo muhiim ahi ka soo baxeen oo lagu kala saxeexday Shir lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, kaasoo u dhexeeyey Wufuud Farsamo oo ka kala socday dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Suxufi Siciid Cali Muuse, kaasoo nuqul ka mid ah oo uu Afhayeenku ku saxeexan yahay soo gaadhay Xafiiska wararka ee Hilaacmedia ee magaalada Hargeysa.
Waxaana War-Saxaafadeedkaas uu Afhayeen Siciid Cali Muuse soo saaray, lagu sheegay in qodobbada lagu heshiiyey ee shirkaas ka soo baxay ay ka mid yihiin qaabka ay dawladada Itoobiya u isticmaali doono Dekedda Berbera, wax ka qabashada Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, kor u qaadista xidhiidhka Ganacsi, Siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanu qoraalka Warkaasi u dhignaa sidan:-
“Wufuud 40 xubnood ah oo ka kala socda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa Bishan July 1-dii illaa 2-deedii ku shiray magaalada Dire-Dhaba ee dalka Ethiopia. Wufuudda ayaa ahaa Guddiyo dhinaca Farsamada ah oo labada dal ka kala tirsan, waxaana laga wadahadlaayey oo laga heshiiyey, qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay isticmaasho Dekedda magaalada Berbera illaa 30% meelaha Alaabada Xamuulka ah la dhigo ee Dekedda, jidka Berbera oo la horumariyo, sidii Somaliland ay awoodda Korontada uga heli lahayd Itoobiya iyo iskaashi joogta ah oo dhex-mara Itoobiya iyo Somaliland.
Arrimaha kale ee laga heshiiyey waxa ka mid ah wadahadallo buuxa oo dhinaca Ganacsiga ah, arrimaha socdaalka, ammaanka iyo nabadgelyada, dhismaha Hay’adaha, Tacliinta iyo Tamarta. Qodobbadaas dhammaantood, ayaa si buuxda looga wadahadlay, iyadoo Itoobiya ay si heer sare ah shirkan u qaban-qaabisay.
Wufuudda Shirkan labada dawladood uga qaybgalay oo heer Farsamo ahaa, ayaa labada geesood waxay Madaxdii kala hoggaaminaysay kala sexeexdeen heshiiskaas, iyadoo Duqa magaalada Dire-Dhawa uu si kalgacaltooyo leh u soo dhoweeyey Wefdiga reer Somaliland ee Shirkaas ka qaybgelay.”