HUBAAL KA AKHRI: Xukuumadda Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Goor Dhow Lagu Wareejinayo Maamulidda Hawada Soomaaliya Iyo Somaliland

0
33

Muqdisho (Hubaal) Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa faah faahin ka bixiyay safar shaqo oo uu ku kala bixiyay dalka dibadiisa kadib markii uu shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa sheegay inay guul ugu soo dhamaatay kulamo uu la qaatay Madaxda Hay’ada Duulimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICAO) ee magaalada Montreal ee dalka Canada, oo ku saabsanaa sidii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulidda Hawada Soomaaliya.

Wasir-Qorsheel-300x240

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago hawada Soomaaliya gacan ku haynteeda in badan ayay maqneyd sidii mar un gacanta Soomaaliya loogu soo celin laha, 18-kii bishii tagtay waxaan la shirnay Madaxda Hay’adda (ICAO) oo aan isla garanay in dhawaan ay bilaabato sidii aan ula soo wareegi lahayn, in Soomaaliya ay howsheeda ay u madax banaanaato, goordhaw ayaan rajeyneynaa in Hawada Soomaaliya naloogu soo wareejiyo” ayuu yiri Saciid Qoorsheel.

Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa sheegay in uu socdaal ku soo maray dalka Talyaaniga oo uu kula kulmay Madaxda kale oo hay’adda (ICAO) ka tirsan, isagoo sheegay in lagu soo wareejiyay qalab casri ah oo markii hore la doonayay in lagu dhiso xafiiska (ICAO) ee Nairobi, balse dadaal dheer kaddib ay ku guulesyteen in qalabkaasi lagu soo wareejiyo oo dhawaan laga hirgelin doono garoonka Aadan Cadde.

“Waxaa jirtay qalab ay noo hayeen in aan la soo wareegno waana isla fahanay qalabkaasi cuusb oo xilliga casriga ah ee hadda jira la socda, waxaana go’an ku gaarnay in Soomaaliya qalabkaasi loo soo raro oo aan rajeyneyo in dalka la keeni doono” ayuu Saciid Qoorsheel hadalkiisa ku daray.

Xigasho:Iftiimiye news

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here