HUBAAL Ka Akhri: Natiijada Shir Ka Dhacay Sanaag Oo Keenay In Hoggamiyayaashii Dhaqanka Beelaha Warsangali Ka Dagaan Garoowe+SAWIRRO

0
27

Garoowe (Hubaal) – Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud, oo hor-kacaya cuqaal iyo waxgarad ka tirsan beeshiisa oo ahaa madaxdhaqameedkii dhawaan ka qeyb galay shirkii beelaha beeshaas uga socday deegaanka Xiingalool oo ku yaala bariga gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa ka degay magaalada Garowe oo ah xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Suldaanka Guud, iyo madaxdhaqameedkan ka tirsan beeshiisa oo uu Garoowe, si mug leh ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, ayaa lagu soo waramayaa in socdaalkoodu ku yimi tallo ay beeshu ku gaadhay shirkii dhawaan la soo gabagabeeyay ee beeshaasi ay ku qabsadeen Xiingalool, oo horaba shaki looga muujiyay in uu shirkaasi ahaa mid ka dhan Somaliland.

Dhinaca kale, talaabadan ay kaga dageen Puntland, madax-dhaqameedadda sarsare ee beelaha Warsangeli, ayaa Gebi ahaanba waxba kama jiraan ka dhigaysa hadal uu hore u shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, oo deegaankaas ku abtirsada oo  uu ku sheegay in shirkii beelaha Warsangeli uga socday deegaanka Xiingalool, lagaga arrinsanayo oo lagaga hadlayo arrimo dan u ah Somaliland, oo aanay haba yaraatee, waa sida uu hadalka u yidhi Wasiir Cadamiye, aanu shirku ku lug lahayn wax lidi ku ah Somaliland, oo aanay ku jirin faro-gelin Shisheeye.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland kaga hadashay arrintan oo doraad dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, iyo dad badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ku doodayay in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay baalasha ka jartay Somaliland, oo ay dheg jalaq u siin weyday tabashada iyo saluugga weyn ee ay beelaha Darfayadda Somaliland ka tirsanayaan saami-qeybsigii ay xaqa ugu lahaayeen Somaliland.

Suldaanka Warsengali iyo Madaxweynaha Puntland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here