HUBAAL KA AKHRI: Somaliland iyo Puntland oo Dagaal Dhimasho keenay uu ku dhex maray Dhahar.

0
38

Ceerigaabo (Hubaal) – Isku dhac ciidan ayaa shalay galinkii danbe ka bilaabmay degmadda Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay gobolkaasi, magaalada Dhahar waxaa dagaal ku dhexmaay ciidammada qaranka Somaliland iyo Ciidanka  Maammul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxana sidainta la hubo dhinaca Somaliland ka dhaawacmay hal askari halka dhinaca Puntland uu ka Dhintay Hal Askari halka la sheegayo in dhaawacyo badani jiraan.

download“Waxa yimid nin  wasiir-kuxigeen ah waxanu  doonayeen inay meesha (Dhahar)  Golle Deegan ka dhisaan arrintaasna Somaliland dagaal ayay ka xigtaa waana laga hortegey”. Sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aannu arrintan wax ka weydiinney.

Isagoo ka hadlaya khasaaaha ka dhashay dagaalkaasna wuxu yidhi “Xagga Somaliland hal askari ayaa dhaawacmay xaggoodana (Puntland) hal Askario ayaa dhintay  dhaawacyo badan ayaa la sheegayaa ilaa imminkana rasaas googoos ah ayaa weli dhacaysa”.

Dhinaca kalena wararka laga helayo degaankaas ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid culus oo bilaabmay gelinkii danbe ee maanta islamarkaasna gabbalku u dhacay welina dhawaqa rasaasta oo googoos ah la maqlayo.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here