HUBAAL KA AKHRI: Laanta Bangiga Dhexe Ee Seylac Oo  Baahidiisa U Daba-fadhiista Xafiisyo Wada-shaqayni Ka Dhaxayso  

0
27

Warbixin Is Barbar Dhigaysa  Bilicda iyo Dayar-tirka Hay’adaha  Dawladda ee Gobollada Galbeed+

Saylac (Hubaal)- Tartanka bilicda xafiisyada laamaha dawladda Somaliland ee gudaha Caasimadda iyo Gobollada kale ee dalka  ayaa tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Sillaanyo talada qabatay oo loolan ka dhexeeyo ayaa marba marka xigta isa sii taraya, kuwaas oo dayactirka dhismayaasha, gaadiidka iyo weliba qalabaynta xafiisyada hay’addaha dawladdu u kala sed-roon yahay hadba miisaanka maalliyadeed ee qaranku u qoondeeyey iyo sida ay u kala firfircoon yihiin Mas’uuliyiinta qaranka uga xil saaran.

Tusaale ahaan Wasaaradda Maalliyada oo ah halbawlaha  sal dhiga u ah dejinta iyo qoondaynta miisaanniyada dhaqaale ee qaranku ku taagan yahay, waxa muddadii xukuumaddu xilka haysay ay wasiirradii soo maray u hawl-galeen qorshe lagu dayac tirayo amaba lagu qalabanayo xafiisyadda ay ku leeyihiin guud ahaan dalka, si ay u kasbadaan firfircoonida shaqaalaha wasaaradda, waxaanay dhismeyaal cusub iyo kuwo hore u jirayba ka hirgeliyeen laamaha ay kuleeyihiin caasimadda Hargeysa iyo xafiisyada kale ee gobolladaba, taasoo u suurto gelisay isla markaana dhiiri gelin u noqotay shaqaalahooda in sida loogu hagar baxay ay xilkooda uga soo baxaan iyaguna.

Si taasi la mid ah Wasaaradda kale ee dalka iyo hay’addaha kale ee dawladda waxa Masuuliyiintoodu iyo Madaxdooduba u hawl galeen dayactirrada iyo kasbashada shaqaallahoodaba. Wasaaraddaha aasaasiga u ah arrimaha bulshada iyo baahiyaha kale e qaranka daruuriga u ah oo ay weheliyaan Hay’adaha kale ee lagama maarkaanka u ah hab sami u socodka geediga siyaasadeed ee xukuumadda ayaa ka sokow xarumahooda dhexe ee Caasimada waxa ay ka hirgeliyeen waxqabadyadaas aynu soo sheegnay walo ay jiraan kuwo wali aan 100%  hananin ka midho dhalinta siyaasadooda waxqabad.

Haddaba degelka wararka ee HUBAAL Media oo daba gal ku sameeyey  arrimahaas si ay xog ogaal ugu noqdaan tartanka laamaha dawladda ayaa diirrada saaray xilligan sida ay u hawl galaan xafiisyada dawladda ee gobollada dalka, gaar ahaanna deegaannada xeebaha ku yaalla ee nolol ahaan ka duwan dalka intiisa kale maadaama oo xiligan hanfiga xagaagu caqabad  ku noqon karo xil gudashada iyo hab sami u socodka waajibaadka deegaannada ay laamahaasi ka hawl galaan.

Warbixin Hubaal Media Arrintaasi ugu kuur galayso oo hadba aynu ku milicsan doono deegaanka u baahan in wax laga qabto iyo ka u baahan dhiirigelinta ayaa waxa aynu qormadan ku soo qaadan doonaa deegaanka Gobolka Selel ee Magaalada Saylac ay xarunta  u tahay.

Gobolkan oo ku yaalla deegaan xeebta uu ku yaallo ka sokow  Istaraatiiji u ah qaranka isaga oo kaga gudboon xadka aynu la leennahay  dawladda Jabbuuti, xafiiyada ku yaalla ee dawladda ayaa into badani qalabaysan halka kuwo kale oo kamid ahni ka muuqato duruufo aan u saamixi Karin shaqaaluhu inay hawshooda wataan, maadaama ay xilligan tahay xagaagii hanfiguna adag yahay.

Wasaarrada Maalliyada xafiisyada ay ku leedaha deegaankaasi waa kuwo qalabaysan, dhiiri-galsan oo nidaamsan, Halka Bangiga oo laf dhabar u ah nidaamka dhaqaale ururineed ee qaranka, maalliyaduna kusoo xarayso cashuurta ay soo sareeyaan uu laantiisa Saylac tahay mid baylahi ka muuqato, inkastoo  guud ahaan ay aad u liidato nolosha shaqaalaha ka hawlgala laamaha kala duwan ee ka dhisan dalku,  marka loo eego  mushaharadooda iyo gunnooyinka ay ku hawl galaan.

berbera_galleryfullIntii aanu kormeerkan wadnay ayaa  Weriye Madax banaan  oo ku sugan Seylac waxa uu HUBAAL U sheegay in ay marar kala duwan dhacdo in shaqaale ka tirsan Bangigu ay waaxda wasaaradda Maalliyada ee Gobolka oo wada shaqayni ka dhaxayso u daba fadhiistaan imkaaniyaad muhiim u ah shaqada baanka sida  qaboojiyeyaasha ku xidhan dhismayaasha wasaaradda maadaama oo buu yidhi weriyuhu aanu xafiiska Banigu lahayn wax AC-yo ah, xataa xagga qalabka xafiiyadu kaga liitaan maalliyada.

 Sidaasi darteedna ay taasi tahay sababta in ay suurto gal tahay inaan  shaqaalaha mooraalkodoa ka werwersani aanu dakhli awood leh soo xarayn Karin, inkastoo ay Waddaniyaddu ku lifaaqan tahay noloshooda iyo ilaalinta hantida qarankooda ee bankigu masuulka uga yahay kaydinta malaayiin shilling oo Somaliland ah.

Gebogabadii weriyuhu waxa uu xukuumadda ugu baaqay gaar ahaanna Madaxba sare ee Baanka dhexe ee Somaliland inay hoos u eegaan baahiyaha liita ee ka jira laamka ay ku leeyihiin gobollada gaar ahaanna gobolka Selel oo laf dhabar u ah hawshooda.

 Lasoco Qayb kale oo kamid ah Warbixintan..

 

Saylac

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here