Washington (Hubaal)- Dawladda Maraykanka, ayaa qoraal digniin ah oo ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradaheega ganacsigu aanay dul marin, isla markaana isticmaalin hawadda lix wadan oo caalamka, kuwaasoo ay u aqoonsadeen inay yihiin kuwa ugu amniga xun addoonka.
Hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan maamulka hawadda sare (Federal Aviation Administration), loona soo gaabiyo FAA, ayaa diyaarahooga ganacsiga iyo rakaabka ku wargelisay in aanay dul marin hawadda sare ee dalalka Itoobiya, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Kuuriyadda Waqooyi iyo Ukraine, dalalkaasoo lagu tilmaamay in aanay hawooda sare ahayn mid ammaan ah, lagana cabsi qabo in diyaaraha lagu toogto, iyadoo digniintan soo baxday, kadib markii dalka Ukraine lagu soo riday diyaarad laga leeyahay wadanka Malasiya oo siday rakaab aad u badan, dhamaantoodan shilkaas ku geeriyooday.
Sida lagu baahiyey wargeyska New York Times, digniinta ka soo baxday dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in aan la isku halayn karin ammaanka hawada sare ee dalka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca waqooyi ee dalkaas, iyadoo sidoo kale digniitu tilmaantay in wadamada Ciraaq iyo Liibiya yihiin qaar kacdoono ka jiraan, amnigooduna faraha ka baxay, arrintaasoo sababtay in hub halis ah oo ay ku jiraan kuwa lidka diyaaraduhu u gacan galay dad aan lala xisaabtami karin oo rayid iyo maleeshiyaad u badan.
Waxa kaloo digniintu sheegtay in hawada sare ee dalka Kuuriyadda Waqooyi yahay mid halis ah, xilli kastana ciidammada dalkaasi tijaabiyaan gantaalo aan wax digniin ah wadan, taasoo sababi karta in khasaare ka soo gaadho diyaaradaha dul maraya, sidaas darteed, waxa duulimaadyada gaadiidka Maraykanka looga digay inay isticmaalaan hawada sare ee Kuuriyadda Waqooyi, halka dalka Soomaaliya isna lagu tilmaamay mid guul-daraystay oo kooxo argagixiso ah ka jiraan, sidaas darteedna aan loo ogolayn in diyaaradaha rakaabka iyo ganacsiga ee Maraykanka laga leeyahay dul-maraan.
Dalka Ukraine oo ku yaal bariga qaarada Yurub, ayaa isna ka mid noqday wadamada looga digay diyaaradaha Maraykanka, kadib markii Khamiistii toddobaadkii hore lagu soo riday diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo isticmaalaysa hawadda wadanka Ukraine.
Dhinaca kale, waxa dawladda Maraykanku tallooyin dhinaca duulimaadyada ka soo saartay hawada sare ee dalalka Masar, Afganistan, Congo, Iran, Kenya, Mali, Suuriya iyo Yemen, kuwaasoo la sheegay in halis dhinac duulimaadyada ah, balse diyaaradaha Maraykanka loogama digin inay hawada dalalkaas adeegsadaan, balse waxa la siiyey tallooyin ku saabsan inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.