HUBAAL ka Akhri: Aqoonyahanka & Udub-dhexaadka Waqooyiga Hargeysa iyo Bariga Gabiley Oo Quus Ka Muujiyey Wax-qabadka Xukuumaddu Ku Faantay Inay Samaysay

0
66

“Runtii xukuumada Siilaanyo oo ku caanbaxaday Qabyaalada iyo Qaroobo kiilka iyo kooxaysiga anagu maanta kama sugayno saami aanu ka hel no iyo horumarin toona”

Hargeysa(Hubaal) Dhaliin yaradda iyo Aqoonyahanka deegaanka Waqooyiga Hargeysa iyo Bariga Gabiley Ayaa, daboolka ka qaaday inay quus ka joogan,wax-qabadka ay sheegato xukuumada madaxweyne Siilaanyo Dhaliin yaraddan iyo Aqoon yahanka ayaa soo bandhigay duruufa ku gadaaman deeganadooda oo ay sheegeen in ay gabi ahaanba ka aradan yihiin.
baahiyaadka aas aasiga ah sida Caafimaadka ,Wax-barshada , iyo horumark waxaanay sidaasi ku sheegeen Shirjaraaid oo ay maanta ku qabteen Huteel Safaari Waxaanay iftiimiyeen in deegankoodu uu soo saaro khayiraadka ugu balaadhan dalka .isle markaana aanay jirin wax lagu celiyaa Aqoonyahan Xamse Xasan C/raxmaan oo ka hadlaya arimahaasi waxuu yidhi “ Runtii waxaa sababay inaanu maanta shirkan isugu nimaadno oo aanu umada reer somaliland u cadayno xaqiiqada dhabta ah ee xaaladaha deegan Degmada

Daara Salaam oo runtii bulashada reer Somaliland gaar ahaan Caasimadu ka hesho Biyaha Deeganada bariga Gabiley oo sidoo kale ay ka soom baxaan khudaarta iyo dalaguba Waxaanu leenahay hadii aanu nahay Beesha degta Woqooyiga Hargeysa iyo bariga Gabiley ee (BahGobo ) waanu ka quusanay balan qaad been ah oo aan dhamaan oo xukuumada madaxweyne Siilaanyo noo samayso.
Runtii xukuumada Siilaanyo oo ku caanbaxaday Qabyaalada iyo Qaroobo kiilka iyo kooxaysiga anagu maanta kama sugayno saami aanu ka hel no iyo horumarin toona waxaanu ugu baaqayaa dhamaan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi inay aayo hooda ka tashadaan isle markaana aanay ku xisaabtamin xukuumada lagu hugoobay ee madaxweyne siilaanyo oo uu hore u sheegay Mujaahid Cali Guray inuu Siilaanyo yahay Abaal Laawi Taasi waxaanu leenahay anagaa maanta aragnay .

 silhouette-man-question-mark-17749737

Tusaale ahaan, xadiga biyaha kasoobaxa Geed deeble waxa imika lagu qiyaasaa 10kun oo MTkuyuub(10,000m) , xaga xukuumadii ina riyale ay hayd (9,500m) Dakhliga ka soo baxa bishii waxaa lagu qiyaasaa inuu ka badan yahay 1.4Bilyan Deegankan wax kab ah laguma celiyo halka deegaanada dalka khayiraadka ka soo baxa door muhiim ah ay kuleeyihiin Markaa waxaanu u sheegaynaa xukuumada madaxweyne Siilaaniyo inaanu kula xisaabtami doono khayiraadka deegankayaga ka soo baxa.

Sidoo kale C/Rashiida Maxmed Aadan ayaa, sheegay inay Xukuumada Siilaanyo Tahay Indho ku garaad leh u xidhan Shaqsiyaad gaar ah , oo lun-saday khayraadkii dalka Maanta bulshada reer somaliland way ka wada dhereg santahay waxay gudo iyo waxay gasho xukuumada madaxweyne Siilaanyo Runtii waxaan qabaa inaanay ina soo mari doonin mid lamid ahi waayo maynu arag xukuumada dad shaqsiyaad ahi waxii doonaan ka sameeyan sidii Tukaan ay leeyihiin Waxaanu leenahay xukuumada idinka baryi mayno saamiga khayiraadka deeganka yaga ka soo baxa .dadka deegankaa ku dhaqan waxaan leeyahay hurdada ka kaca oo xaqiina dhacsada oo isku tashada Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay dhaliin yaro dan hoos ku qoran

Ismaaciil Xasan Qoor-Gees

Idiris Axmed Maxmuud

C/rashiid Maxmuud Aadan

Maxamed Axmed Kibaar

C/Laahi Saleebaan Cali

C/Risaaq Ismaaciil Cali

Sacad Xuseen Yuusuf

C/raxmaan Nuux Yoonis

Axmed Maxamed Xirsi

Boqore Cali Ismaaciil

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here