Hargeysa(Hubaal) -Waxa Toddobaadkii ugu Danbeeyay Masuuliyiinta Sare ee Xukuumada Siilaanyo dhexdooda ka socday tartan iyo yooyootan loogu jiro Sidii ay u heli lahaayeen Fiisayaal dal ku gal ah oo ay Xukuumada Siilaanyo ka dalbatay dalal Yurub ah.
Waxa ay Xukuumada Siilaanyo caado ka dhigatay Mar kasta oo ay soo dhawaato Munaasibada Xuska 18-Ka in ay Ogolaansho dal ku gal ah ka dalbato qaar ka mid ah dalalka Yurub,iyadoo ay si gaara uga Faa,iidaystaan Shakhsiyaad wax mooday Qabyaalada.
Masuuliyiinta inta badan Maroorsada Fiisayaasha marka laga yimaado Qoyska Madaxtooyada oo Marwadu inta ugu badan qaadato,waxa ugu horeeya Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu doorkan qaar ka mid ah Dhalinyarta Xog-haynta u ah ku kaxeeya Fiisayaashii loogu tala galay Wasiirada iyo Xildhibaanada.
Xildhibaanada Madaxtooyada ku xidhan ee uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac),ayaa iyaguna Magacyo badan oo fiisayaal loo rabo keenay Qasriga Madaxtooyada ,balse intooda badan laga shakiyay isla markaana loo diiday Fiisaha dal ku gal ee Dalka Ingriiska
Waxaa kale oo iyaguna doorkan diidmo kala kulamay Xafiiska Ingiriiska ku leeyahay Magaaladda Addis-Ababa labada majaajilayste ee Madaxtooyada ka qosliya SOORAAN Iyo JAWAAN oo liiska dadka Fiisayaashooda la dalbay ku jiray ,kuwaas oo ka mid ah oo ka mid ah Koox tiro badan oo masuuliyiini ku jirto oo wali rumaysan la, diidmada la siiyay kuna maqan Addis-Ababa
Masuuliyiinta mar-dhoofka u badan oo wali ku sugan Addis-Ababa,ayaa la filayaa in ay dhawaan soo noqdaan ,Maadaama oo aanay haynin yididiilo ay ku heli karaan Fiisayaasha ay dalbadeen.
Ramaasnews