Ka Bogo Oo Dhuux Gen. Maxamed Nuur Xirsi Oo Iftiimiyey Xogo Xasaasiya
London (Hubaal) – Taliyihii hore ee ciidammada Sirdoonka Somaliland ee Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo Gen. Maxamed Nuur Xirsi ayaa ka hadlay xogo muhiim ah oo ku suntan amuuraha ammaanka ee Somaliland ku jirto waqti xaadirkan iyo weliba heerka ay haatan marayso xaalad wada shaqayneed ee Dawladda Somaliland la leedahay dalalka deriska ah.
Gen. Maxamed Nuur Xirsi oo haatan ku sugan magaaladda London ee xarunta wadanka Boqortooyada Midowday ee Britain waxa uu iftiimin ka bixiyey tuhunno lala xidhiidhinayo xubno xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo lala xidhiidhinayo gacan saar inay la leeyihiin ururrada xagjirka ah, isaga oo xog warrankiisa u daliishaday hadalkii galaaftay wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdillaahi Abokor, kaas oo uu ku baaqay in laga hadliyo isla markaana shuruud la’aan xorriyadiisa loogu soo celiyo.
Gen. Maxamed Nuur Xirsi waxa uu ka deyriyey khataro uu sheegay inay la deris yihiin ciidammada Sirdoonka qaranka Somaliland, isaga oo carrabka ku dhuftay in marar badan ay dhacday in xabsiyada laga sii daayay eedaysanayaal amaba dembiilayaal ay ciidanku ka hawl galeen soo qabashadooda.
Taliyahu waxa uu arrimahaas iyo amuuro kale oo xogo kale oo muhiim ah kaga warramay waraysi cod ah oo ay la yeelatay shabakada wararka ee Ramaas News [ramaasnews.com], waraysigaas oo uu magaalada London kula yeelay tifaftiraha Ramaas Mr. Cabdirisaaq Cusmaan Fadal.
Gen. Maxamed Nuur waxa kale oo uu kaga jawaabay waraysigiisa weydiimo laga weydiiyey aragtidiisa ku dhereran ka warhaynta madaxweyne Siilaanyo ee dalka. Waxa kale oo sheegay in uu hadda wixii ka dembeeya uu geedigiisa siyaasadeed ku furayo dhinaca xisbiyada mucaaridka isaga oo ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaana uu u qaabilsan yahay xagga amniga.
Haddaba Weraysigaas oo dhamaystiran, xogo badan oo xaasaasi ahna huwan halka ka daawo