“Qofkii Al-shabaab Ah Ee La qabto Waalidkiina Halala Soo Xidho”-Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Soomaaliya
Muqdisho (Hubaal) — Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dawladda Soomaaliya Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday hay’adaha ammaanka in qofkii Al-shabaab ah ee la soo qabto lala soo xidho waalidkii, si sharciga loo wada-horgeeyo.
Col. Tuur-yare ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid looga gol-leeyaha in lagu ogaado in waalidku uu raalli ka yahay wiilkiisa ama gabadhiisu inay Al-shabaab ka tirsanaato iyo in kale. “Waaliddiinta waxaa looga baahan yahay in haddii Ilmihiisu uu ka mid noqodo Al-shabaab inay ku soo wargeliyaan hay’adaha ammaanka si wax looga qabto, taas oo keenaysa in waalidku uu bari ka ahaado dhibaatada uu geysanayo cunuggiisu,” ayuu yidhi
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in waalidka aan soo sheegin ubadkooda in ay ka mid noqdeen Al-shabaab ay u arkayaan inay raalli ka yihiin, ayna tahay inay soo qabtaan hay’adaha ammaanka si sharciga loola tiigsado. “Haddii cunuggaagu noqodo Showkatul Cayn (Qodax ku ah Isha) halkii uu ka ahaan lahaa Qurratul Acyun (Indha-doogsi) waa inaad ku soo wargelisaa hay’adaha amniga si aad u muujiso inaadan ku raacsanayn howsha uu ku jiro oo ay keligiis gaar u tahay,” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada uu hadalkan ku dhawaaqo, isagoo hore u sheegay in qofkii Al-shabaab ka tirsan ee la qabto aanu dib ugu laaban doonin shacabka gudihiisa oo ay dili doonaan.
Si kastaba ha ahaatee hadalladan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli Al-shabaab ay sheegtay inay wado qorshayaal ay ku weerarayso xarumaha dawladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladdu ay si aad ah ugu diyaar-garowday ka hortagga falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay doonayso inay ka geysato Muqdisho.