Alxamdullilaah, wassalatu wassalamu cala Muxammad Binu Cabdillah. Alle SWT waxa uu ku yidhi Quraankiisa, “ Haddaad wax uun isku khilaaftaan u celiya Illaahay iyo Rasuulkiisa SCW.” Aayadda waxa ku yimi wax uun ( fii shay’in). Waxaas waxa laga dhigay wax aan la garanayn( Nakiro). Haddii nakiro ku timaado xukun diini ah, waxa ay faaidaysaa in xukunkaas wax walba soo galayaan oo diini ah(cumuum); sida caanka ka dhex ah culimadda usuul ruugga ah.
Qaybtii hore, xog-warran, waxaynu soo tilmaamnay ama is dul taagnay axaadiithtii uu Sh Maxamed ka soo raray Al Xaafid Ibnu Xazam (Alle ha u naxariistee; danbiggiisiinna ha dhaafee). Waxaan isku daynay inaan ummadda u cadayno inta uu ku joogo garashadayadda cilmigga xadiith; waxaan kaga soo sanqadhinay in aan keeni doonno qayb yaduna ah xoggo sugan oo sheegaya in diintu Islaamku diiday Muyuusigga, Heesaha iyo Qalabka lagu tumo intaba. Qaybtaas waxaan u bixinay xaab-qaad.
Diinta Islaamku waxay leedahay ilo ama meelo loo noqdo oo laga baadho waxa ay diintu masaladda markaa laysku hayo ka qabto. Tan koowaad waxa ah; Kitaabka Quraanka ah, tan labaadna waa Sunnaha Nebigga SCW wixii sugan, tan saddexaad waa is-raaca culimadda ama caamadda Muslimiintu wax isku raacaan inuu banaanyahay ama xaaraan yahay( IJMAAC) iyo tan ugu danbeysa oo ah qiyaas meel mar ah oo uu qofku markinka saxda ah ku habsado. Intaas ayuun bay tanina ka hadli doontaa. Hal mid oo se ii dihin, waxaynu ku soo gabagabaynaynaa talo, hogortusaalayn aan sheekha iyo ummadaba u jeedin doono, Alle ayaan kaalme dalbeynaa.
AAYADAHA KU SOO AROORAY HEESAHA
Alle waxa uu Quraanka ku yidhi, “ Dadkii waxa ka mid ah mid soo iibsanaya hadal kiisa xun kadibna dheel dheel ka dhiganaya si uu dadka uga leexiyo wadadda Illaahay, kuwaasi waxay leeyihiin cadaab wax duleysa.”
Haddaba su’aashu waxay tahay, ‘Tolow yaa ugu fiican ee laga maqlayaa sidii uu Quraanka u tafsiiray?’ Jawaabta ha ku deg-degin akhriste ee dhuux oo dhegta u raarici xadiithkan Nebigga SCW. Nebi Muxammed SCW wuxuu u duceeyay saxaabiggii da’da yaraa in uu Illaahay Quraanka fahansiiyo, tafsiirkiisana baro. Ibnu Cabbaas Alle ha ka raali noqdo ee waxa loo yaqaanaa Turjumaankii Quraanka ama Mufasirkii Quraanka. Aayadan wuxuu leeyahay waxay ku soo degtay heesaha. ( Faah-faahin: Hadalkaa Ibnu Cabbaas waxa uu ku yimaadaa wadooyin ama werin sugan kutubta tafsiirka sida; Tafsiirka Addabarii. Eeg Aayadda 6 ee S.Luqman tafsiirkiisa iyo sidoo kale Tafsiirka maanta ardayda aduunka oo dhan darsaan ee Ibnu Kathir. Ibnu Kathir waxa kale oo uu keenayaa Xasan Al Basrii oo ahaa taabici weyn oo cilmiggiisu iyo cibaadadiisa laga dharagsanyahay oo isna leh, “ Waxay aayadanni ku soo degtay heesaha.”)
Si aanann u laalin qaacidada usuuliyiintu sheegaan ee ah, “ Hadal saxaabi xujo ma galo,” waxaan leenahay horta waa tan koowaadee, saxaabo badan ayaa sheegaya in aayadani ay xaarantimaynayso heesaha. Ku darsoo, waxa sidaas isku raacay labadii saxaabi ee Quraanka tafsiirkiisa ugu yaqaanay saxaabaddii Nebi Muxammed SCW. Ibnu Mascuud wuxuu saddex jeer ku dhaartay in ay ku soo dagtay heesaha.
Kolka saddexaad, waxaan leenahay haddii aan weyno cid saxaabaddii ah oo ku diidday Ibnu Cabbaas iyo Ibnu Mascuud ( wadooyin sugan), waxaan leenahay waa ISRAAC( IJMAAC SUKUUTI) ka dhex-guntamay saxaabaddii waana xujo aan la dafiri karin. Waxa intaa dheer in xadiith yaqaankii Xaakim ( Abu Cabdullahi Xaakim Anneysaburiyi) uu kitaabkiisa( Mustadrik) uu sheegayaa inay saxaabaddu Alle ha ka raali noqdee arkeen waxyiggii oo dagaya. Ibnul Qayyim isaggoo hadalkaa sii yara faahfaahinaya wuxuu leeyahay, “ Waa dadkii ugu cilmigga badnaa Ummadda muraadka uu Alle ka leeyahay kitaabkiisa waayo yagga ayuu ku soo dagay; yagga ayaa laguna hor hadlay, waxay arkeen tafsiirkiisa aqoon ahaan iyo ku dhaqan ahaanba; waana Carabtii Aftahannimadda Alle siiyay; cid u dhigmi kartaa tafsiirkooda ma jiro.”(Iqaathatu Allahfan) Ibnu Xazam oo qarniggii afaraad noolaa bal sheeg halka uu ku dhaafay Ibnu Cabbaas iyo Ibnu Mascuud oo isaggu u fahmay yagunna u fahmiwaayeen? Su’aashaas oo cadaymo wadata ayaa loogga fadhiyaa Sh Maxamed Cabdi iyo ciddii la fikir ahayd ee qabta madhabka Daahiriyaddaba.
Aayadda labaad waxay ku jirtaa suuradda Al Israa 64. Alle SWT isagga oo la hadlaya Shaydaanka wuxuu ku yidhi, “ Ku hod (Insigga iyo Jinka) cidda aad kari karto codkaagga.” Su’aashu waxay tahay tolow codka sheydaanku waa maxay? Si kooban jawaabteeddu waa wax kasta oo kuuggu yeedhanaya macsiyadda Illaahay. ( Ibnu Cabbas ayaa sidaa ku fasiray Tafsiir Ibnu Kathir 93/5). Mujaahid oo wax ka bartay Ibnu Cabbas isna wuxuu leeyahy codkiisu waa heesaha iyo hadal lahwigga ah. ( Marjacii hore ugu noqo).
Tafsiirka Jalaalaynka ee caanka ah codka sheydaanka wuxuu yidhi, “Ugu yeedh heesaha iyo waxa la tunto.”
Aayadda saddexaad waxay ku jirtaa suuradda Furqan 72. Alle SWT wuxuu yidhi isagga oo Muuminiita amaanaya, “وَالَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَامًا” Waa kuwa aan iman zuurka. Zuur waa heesaha waxa qaba Mufassiriintii salafka( Saddexdii face ee Nebiggu amaanay)rag ka mid ah sida Addabarii iyo Qurdubi oo isna Mujaahid ka qaatay. Waxay yidhaahdeen yaggoo aayaddaa fasiraya, “ Waa kuwa aan dhageysan heesaha.” Dabarii wuxuu leeyahayba in zuurku uu yahay waxii oo la buunbuuniyo oo laga wanaajiyo sida uu yahay astaamo soo jiidasho lehna laga bixiyo.
AXAADIITHTA KU SOO AROORTAY HEESAHA
- Xadiith soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi in uu Nebigga ka maqlay isagga oo leh: Qaar ka mid ah ummaddayda ayaa cabi doona khamrigga, oo u bixin doona magac kale, oo iyagga ayaa lagu dul-tumi doona heeso iyo muusig, oo dhulka ayaa lala goyn doonaa. Isugaynta wadooyinka xadiithku waxay tusinaysaa inuu sugan yahay xadiithku.
Dulucda xadiithka: Wax kasta oo shareecaddu ciqaab ka ratibto, wuxuu tusinayaa inuu xaaraan yahay. Sidaa daraadeed, heesaha, muyuusigga iyo qalabka lagu tumo dhammaan waa xaaraan; lagaman ganacsankaro.
- Rasuulku SCW waxa uu sheegay laba cod oo nacdalan; waana codka ta heesta iyo ta baroorata. ( Xadiithku wuu sugan yahay, waxaad faah-faahintiisa ka raadsataa qaybtii hore ee xog-warranka.)
Dulucda xadiithka: Waxa uu xadiithku tusinayaa in heesaha iyo cidda jecel uu Illaahay naxariistiisa ka fogeeyo. Waayo nacdal haddaad maqasho, waa qofka oo laga fogeeyo naxariista Alle.
- Xadiithka ugu adage e jilbaha uu saaraya heesaha iyo cidda dhagaysata waa kan Bukhari wariyay ee Nebiggu sheegayo in ummadiisa ka mid noqondoonaan dad xalaashan doona muyuusigga. Dadka noocaas ah Nebiggu wuxuu ugu goodiyay ciqaab adag.
Dulucda xadiithka: Waxa uu xadiithku tusinayaa in heesuhu bedelaan qalbigga. Maanta waxaad aragtaa in Muslimiintii heeso iyo muyuusig kaga mashquuleen jihaadkii, qofka waxyaabaha Muslimiintii hore baabiiyayna waxaa kamid ah boqoradoodii oo heeso iyo fanaaniin dhagaysan jiray. (F.G. Axaadiithta saxeex ah ee aan u hayno waxay ka badan yihiin 10 saxeex ah.)
ODHAAHDA AQOONYAHANADDA DIINTA IYO IS-RAACA UMMADDA
Qormaddan waxaynu ku tibaaxi doonaa hadaladda culimadda Muslimiintu ay ka qabaan heesaha iyo muyuusigga. Waayo aqoonayahanadda diintu waa dhaxlayaashii anbiyadda. Xusuusnow xadiithkii dhaxlayaashii anbiyadda uu werin jiray Abii Addardaa. Nebiggu SCW wuxuu yidhi, “ Culimaddu waa dhaxlayaashii anbiyadda.” Bukhari iyo Muslim ayaa soo saaray. Sidaa si lamid ah, waxaynku yana tisqaadi doonnaa waxay MUSLIMIINTU ka qabaan arintan uu layimi Ibnu Xazam, Sh Maxamed Cabdinna ummadda ku aafaynayo.
Ugu horeyn, aan ku bilaabo afarta MADHAB. Madhabka Imaam Abuu Xaniifa ( Nucmaan Binu Thabit) oo ah kan ugu daran wuxuu leeyahay, “ Dhagaysigga heesaha waa faasiqnimo; macaansiggooduna waa gaalnimo.” Waxay daliishadeen axaadiith aan sugnayn marfuuc ahaan.
Imaamu Maalik ( Maalik Binu Anas; Imaamu Daarul Hijra) oo ah unkaha Maalikiyadda wuxuu la weydiiyay, “ Waxaad ogolaataan heesaha.” “ Illaahay baan ka magan galay, waxa sameeya oo ah kalya dadka faasiqiinta.” Ayuu ku jawaabay. Ibnu Cabdil Bar oo ah ninka ay ku dhaataan Maalikiyaddu ardayna u ahaan jiray Ibnu Xazam bal sheekh Maxamaddow fadlan milicso hadaladiisa. “ Waxayaabaha laysku raacay inay xaaraan yihiin iyo waxa kaasoo galaaba waxa ka mid ah heesaha.” Ayuu leeyahay Ibnu Cabdil Bar.
Shaaficiyaddu oo ay Soomaaliddu u badantahay ( Imaam Maxammed Binu Idiris Ashafici) waxay leeyihiin, “ Heesahu waa xaaraan cidda Madhabka u tiirisaana waa jaahiliin.”
Ugu danbeyn Madhabka Xanaabilada ( Imaam Axmed Binu Maxammed). Inankii uu dhalay Imaamku ee Cabdullahi ayaa yidhi, “ Aabahay waxaan weydiiyay heesaha.” Wuxuuna ku jawaabay, “ Heesuhu qalbigga waxay ku beeraan nifaaq.” Kadibna wuxuu soo arooriyay hadalkii Maalik ee aan kor ku soo sheegnay. Horjoogaha madhabkaa oo ah Ibnu Qudaamah wuxuu leeyahay, “ Qofka heesaha ku joogteeya dhagaysigiisa, markhaatigiisa lama aqbalayo.”
Isku soo duuduub, Sheykhul Islaam Axmed Binu Cabdilxaliim Ibnu Taymiyyah oo cilmiggiisa lawada qirsanyahay wuxuu leeyahay, “ Afarta madhabba waxay leeyihiin heesuha iyo muyuusiggu waa xaaraan.” Wuxuu intaa kadib keenay xadiithkii Bukhari ee Nebiggu sheegay SCW inay soo bixi doonaan dad xalaashadda muyuusigga.
Imaamu Addabarii wuxuu yidhi, “ Culimadda Muslimiintu waxay isku raaceen in heesahu xaaraan yihiin.”
Ka daroo dibi dhal, waxa marag madoon ah in Ibnu Rajab uu yahay rug-caddaa ku talax tagay soo guurinta is-raaca culimadda iyo waxay ku araah duwanyihiin. Sh Maxammed bal dhagta u raarici hadalkiisa; hana dhakafaarin. “ Dhagaysigga wax yaabaha la qaraaco wax khilaaf ah oo la soo guuriyay lagama sheekayn.” Sidaas ayuu yidhi.
Akhriste, waxaad ka warantaa ciddii xalaalaysa dhagaysigga heesaha? Jawaabta kuma deg-degayo, ee horta aan ku xasuusiyo qaacido cajiib ah oo diintu leedahay kuna tiirsan axaadiith sugan oo aan ka sii xasuusto Xadiithkii Bara’a ee Muslimka ku jiray. Qaacidaas waxay tidhaahdaa. “ Xalaalaysigga macsiyo waa gaalnimo.”
Yadoo ay taa ka duulayaan culimadda Muslimiintu, ayaa waxa uu soo raray Ibnu Muflix kitaabkiisa Al Furuuc 494/6 oo uu ka soo raray(IJMAAC) Qaadi Ciyaad oo ku jiray 3 fac ee uu nabiggu fadilay Muslimiinta wakhtigaas oo isku raacday “ Cidda xalaalaysa heesaha waa gaal.” Sidaa awgeed, hawshani sidaas ayay u culustahay. Laakiin hal masalo ku baraarug Sh Maxamadow, ijamaac waxa buriya ijmaac kale sidaan ka akhrinay kutubta usuulka ugu fiican.
Ibnu Mundir waxa uu isna ku jiraa labadda nin isagga iyo Ibnu Rajab ee Muslimiinta ugu yaqaana waxay muslimiintu isku raacaan( ijmaac) iyo waxay isku khilaafaan. Wuxuu yidhi, “ Cid kasta oo aan wax ka xifdiyay waxay isku raaceen in ay baadil yihiin ujradda la siinayo ta baroorata iyo tan heesta(fanaanadda; maanta fanaaniin ayaa ina kicisay, toobaddu way furantahay, ee Illaahay ha u noqdaan.)
Imaamu Annawawi wuxuu yidhi, “ Baqawi oo ka mid ah saaxibadday iyo Qaadi Ciyaad waxay sheegeen in ay baadil tahay in la siiyo mushahar fanaaniinta iyo kuwa baroorta.”
Ibnu Salaax oo ahaa culimaddii xadiith yaqaanka ahaa wuxuu yidhi, “ Kama sugna cid hadalkiisa la qaato oo sheegaya in la dhagaysto heesaha oo lagu ijmaacay ama laysku khilaafay.”
Mufasirkii Qurdubi, wuxuu yidhi, “ Waxaa ay suufiyaddu alufteen cidna iskumay khilaafin horeba.”
WABILLAAHI ATTAWFIIQ
Guuleed Maxamed Yaasiin ( Dalxa)
Jaamacadda Gollis, Kuliyadda Shareecadda iyo Daraasaadka
0634839797