Hargeysa: Qaabkii Uu U Dhacay Shirqoolkii Aargoosiga Ahaa Ee Xabsiga Loogu Taxaabay Masuuliyiinta Haatuf

0
42

Waxa Ka Qayb-Qaatay Madaxtooyadda, Wasiiradda Macdanta, Daakhiliga, Xeer Ilaalinta Iyo Taliska Bilayska

Hargeysa, (Hubaal) – Intii aanay Madaxtooyadu xayiraada ku soo rogin xarunta Wargeyska Haatuf 7/4/2014-kii may jirin wax dacwad ah oo ay Haatuf ka war-haysay oo wargeyska ama masuuliyiintiisa lagu soo oogay.

Haatuf group

Waxa jirtay dhawr jeer oo bishii March ahaa oo naloo sheegay in Madaxtooyadu ka cabanayso maqaalo ku soo baxay Haatuf oo sheegayey musuq-maasuq ka jira heshiisyada shidaal-baadhista ee wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale la galo shirkadaha shisheeye iyo waliba wiilka madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil oo uu wargeysku sheegay inuu awood ku yeeshay xukunkii dalka isagoon meelna kaga qornayn dawladda.

Waxa kale oo la sheegay in madaxtooyadu aad uga xanaaqday sawiro laga qaaday Baashe Cawil isagoo suudh xidhan oo ay hareero socdaan askar hubaysan oo u muuqda inay ilaalinayaan oo wargeysku shaaciyey mid ka mid ah maqaalada cabashadu ka timid.

Laga bilaabo bishii March ee sanadkan waxa kale oo warbaahinta qaar ka mid ah lagu arkayey maqaalo af Ingiriisi ah iyo afsoomaaliba lagu qoray oo sii shakhsi ah loogu aflagaadaynayo guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe isla markaana lagu difaacayo wasiirka macdanta iyo tamarta & Baashe Cawil, kuwaas oo lagu baahinayey Websites-ka ay ka midka yihiin Somalilandsun, Somalilandpress, Somaliland.org, Somaliland Globe, etc.

Waxa ku xigay xaruntii wargeyska Haatuf oo gabi ahaanba albaabada loo laabay.

Waxa ku xigay Somaliland Times oo iyadana la xayiro (blocking) iyo guddoomiyihii iyo tafatirihii Haatuf oo labadoodiiba laga xayiray inay dalka ka baxaan.

Dabayaaqadii April 2014-kii  ayaa markii xukuumadda iyo garsoorka Somaliland cambaareeyn xoog lihi kaga timid gudaha dalka iyo dibadaba oo waliba lagu dhaliilay inay wargeyskii xukumeen iyagoo aan la siinin fursad ay isku difaacaan oo la baalmaray dhamaan nidaamkii iyo jaran-jarooyinkii sharciga garsoorka “Due Process Of Law”, iyadoo madaxtooyadu qaadanayso go’aan kale oo khaldan oo ah in si kastaba ha ahaate la soo xidho Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Qorshahan oo dhawr jeer fashilmay ayaa markii danbe la go’aansaday in marka dacwada lagu soo oogo Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Gaboobe iyo tafatiraha wargeyska Axmed Cige marka ay maxkamadda yimaadaan labadoodaba la qabto oo la xidho.

Daba-yaaqadii bishii April ayaa xeer ilaaliye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex Mr Axmed Cismaan Mirre qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay inay jirto dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Haatuf isla markaana uu Yuusuf Cabdi Gaboobe diiday yeedhmadii, isaga oo guddoomiyaha Haatuf eedaynta xeer ilaalintu warbaahinta soo marinaysa ka jawaabaya waxa uu ku tilmaamay warkaasi been-qaawan.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Haatuf cadeeyey inaan maxkamadda looga yeedhin oo aanay soo gaadhin wax qoraal ah oo u yeedhis ahi isla markaana aanay ka warhaynin wax dacwad ah oo cidi ku soo oogtay. Yuusuf Cabdi Gaboobe guddoomiyaha Haatuf Media Network waxa uu odhanayaa hadii ay dawladu doonayso dacwad inay nagu soo oogto anagu garbixiyeyaal ayaanu nahay ee ha naloo soo maro dariiqa sharciga.

Intaas markay maraysay ayuu garsooraha maxkamadda gobolka Hargeysa ogaysiis baafin ah ku baahinayaa warbaahinta uu ku sheegayo  in la mudeeyey dacwada ka dhanka ah Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo dhagaysigeedu ka bilaabmi doono maxkamadda gobolka Hargeysa 4/7/2014.

2/4/2014-kii ayaa qareenka Haatuf u doodayey garyaqaan Xasan Cali Xasan (Banfas) waxa uu u tagay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Faysal C/laahi Ismaaciil (Dhago-dhago) si uu xaashidii eedaynta uga soo qaado. Faysal Dhago-dhago ayaa diidaya inuu warqada eedaynta bixiyo waxaanu u sheegayaa qareenka in isaga laftiisu dhibane yahay oo ay Haatuf wax ka qortay oo uu dacwad ku soo oogayo.

Subaxdii 4/5/2014 waxa xafiiska dhago-dhago galaya Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Cali Cige, garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ay weheliyaan wakiilo ka socda isbahaysiga difaaca xoriyaadka, garsoore Faysal Dhago-dhago ayaa dood dheer ka dib ogalaanaya inuu warqadii eedaynta bixiyo waxaanu dacwadii ku qorayaa garsoore la yidhaahdo Asad Nuur Cilmi, kaas oo dhagaysigii u horeeyey ee dacwada u qabanaya 10/5/2014.

8/5/2014 qareenka Haatuf ayaa u tagaya guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka C/rashiid Duraan waxaanu u dhiibayaa codsi ay eedaysanaasha Haatuf racfaan kaga qaadanayaan maxkamadda gobolka Hargeysa maadaama ay ahayd maxkamadii saddexda xayiraadood hore ugu xukuntay Haatuf iyo labadeeda masuul. Garsoore Duraan wuxuu odhanayaa aan soo darso dalabkiina ee iga war-suga.

Subaxdii 10/5/2014 ee loo balansanaa dhagaysigii u horeeyey ee maxkamadda gobolka iyo garsoore Asad ayaa waxa waabarigii xarunta maxkamadaha degmadda, gobolka iyo rafcaanka gudo iyo dibadba la soo dhoobay ciidan aad u tiro badan iyo gaadiid tikniko ah.

Ciidankan oo iskugu jira Bilayska caadiga ah iyo ka RRU-da ee ay Sirdoonka dalka UK u tababareen la dagaalanka argagixisada isla markaana ay Ingiriisku taakulaynta joogtada ah siiyaan ayaa waxa watay sarkaalka Bilayska Somaliland u qaabilsan hawl-galinta (Operations Officer) Maxamuud Ducaale, kaas oo  mudadii uu ciidanku halkaas ku sugnaa kolba la xidhiidhayey Wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil.

Isla subaxdaa 10/5/2014 ayaa qareenkii Haatuf oo uu la socdo Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay u wada galeen garsoore C/rashiid Duraan oo uu qareenka Haatuf ka sugayey jawaabtii codsigii Racfaan qaadashada.

Duraan wuxuu odhanayaa waxba kama qabo inaad maxkamadda gobolka racfaan ka qaadataan maadaama ay xukuno hore idinku riday laakiin bal horta galla maxkamadda, markaas dabadeed qareenka Haatuf iyo labadii eedaysane ayaa markaas waxay u kacayaan dhinicii maxkamadda gobolka gaar ahaan hoolka uu fadhiisto garsoore Asad oo ahaa kii ay labadda eedaysan iyo qareenkoodu ugu tagi jireen 4/5/2014. Hase yeeshee subaxdan danbe ee 10/5/2014 waxaa loo sheegay inay tagaan hoolka Maxkamadda rafcaanka iyo in garsoore Asad uu halkaas maanta soo fadhiisan doono.

Waxa mardanbe la ogaanayaa in sababta uu garsoore Asad hoolka maxkamadda racfaanka maalintaas u soo fadhiisanayaa ay ahayd hoolka uu caadiyan fadhiisto oon lahayn  shabaqa (Cage) la galiyo ee dusha lagaga xidho eedaysanayaasha loo haysto kiisaska argagixisada, kuwaas oo marka jeelka laga keeno ee dacwadooda la dhagaysanayo la geeyo hoolka maxkamadda racfaanka ee shabaqa leh.

Judhiiba markii ay labadda eedaysane ee Haatuf iyo qareenkoodu soo galeen hoolka maxkamadda racfaanka ayaa xeer ilaalintii dawladu dalbanaysaa in labadda eedaysane ka ag kacaan qareenkooda oo ay galaan shabaqa, taas oo uu durrayo qareenka Haatuf balse uu garsoore Asad ka diidayo isagoo xeer ilaalinta ku taageeraya dalabkooda in labada eedaysane ee cagahooda ku yimid maxkamadda hadana xoriyadoodii laga qaado oo shabaqa dusha lagaga xidho.

Markii uu qareenka Haatuf isku dayey inuu garsooraha kala hadlo arrintan shabaqa ee isaga iyo labadii qof ee soo wakiishay lagu kala xanibayo ayaa labadii xeer ilaaliye waxay askar hubaysan oo hoolka maxkamadda ku jirtay ku amreen inay labadda eedaysane xoog ku galiyaan shabaqa, markaas ayuu qareenkoodii odhanayaa waad aragtaan oo waa jujuube iska gala waynu ka dacwoon doonaaye.

 

Markii ay madaxtooyadu bixisay amarkii lagu xayirayey wargeyska Haatuf ka bacdi ayaa dad badan oo la soo xidhiidhay guddoomiyaha Haatuf waxay u sheegeen in markii ay arkeen in Yuusuf Cabdi Gaboobe aanu u jixaan-jixin xayiraada wargeyskiisa la saaray balse Websites-ku Haatuf iyo Somaliland Times wali lagu faafiyo warar aanay caa’ilada madaxwaynuhu jeclaysanin ayey madaxtooyadu go’aan ku gaadhay in Yuusuf Cabdi Gaboobe la xidho si Haatuf loo aamusiiyo.

Subaxnimadaa 10/5/2014 markay saacadu ahayd 7:30-kii Telefoon ayaa wuxuu ku soo dhacayaa Saddexda Garsoore ee kala ah Faysal Dhago-dhago, C/rashiid Duraad Iyo Asad Nuur iyagoo ku shiraya xafiiska Dhago-dhago.

Waxa loo sheegayaa in khaladkii ay galeen markii hore ee ay Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige yimaadeen Maxkamadda taariikhdu markay ahayd 4/5/2014 ee ay xidhi waayeen ay doorkan iska ilaaliyaan oo ay sara-jooga ku xukumaan labada eedaysane si jeelka loogu hubsado. Markii ay labada eedaysane shabaqa galeen ayaa waxay xasuusanayaan dadkii uga digi-jiray inay iska tagaan maxkamad-xadhig ula diyaar ah oo ka amar qaadanaysa wiil-yar oo Siilaanyo sadog u yahay. Markii labadda eedaysane lagu hubsaday shabaqa oo ahayd abaaro 10-kii ayaa waxa bilaabmaya dhagaysigii oo run ahaantii lagu mataali-karo sidii riwaayad mu’alif khashiin ahi soo canta-tabay oo kale oo ay jila-yaal ka yihiin labada xeer ilaaliye, garsoore Asad iyo labada Wasiir ee Warancade iyo Xuseen Waji-xun, Baashe Cawil-na soo saare ka yahay.

Laba saacadood ka dib ayaa markii uu Qareenkii Haatuf ka quustay dhex-dhexaadnimadii garsooraha ayuu ka baxayaa hoolkii maxkamadda isagoo dhagaysiga dacwada ku tilmaamaya afduub aan hore loo arag noociisa, markaas ayuu garsoore Asad-na baxayaa isagoon waxba ka odhan labada eedaysane ee shabaqa ku xidhan.

Labadii Xeer ilaaliye oo intii riwaayadii dhagaysigu socotay kolba iyagoon is ogayn labada eedaysane ku tilmaamayey “laba maxbuus” ayaa iyagoo qoslaya iyaguna dibada u baxaya.

Waxaana goobtii iskugu hadhaya labadii eedaysane iyo askar hubaysan ood arkayso in la sii balamiyey oo ay sii ogaayeen in labada nin ee shabaqa ku xidhan jeelka loo taxaabi-doono.

Sidii baanay u dhacday oo waxa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige lagu qaaday gaadhiga maxaabiista lagu geeyo Jeelka ee dusha ka qufulan, kaas oo diyaar ku ahaa kamboolka Maxkamada.

Kuwa qorshahan aargoosiga ah soo maleegay iyo kuwa u fuliyey ee garsoorka, xeer ilaalinta iyo Bilayska isku sheegayey dhamaantood waxay ahaayeen dad liita oo intay isa soo hortaagaan aan indhaha siin karayn labadaas suxufi ee ay ku tacadiyeyeen. Laga bilaabo xayiraadii 7/4/2014 markasta oo ay go’aan ama xukun ku ridayaan kumay dhacayn inay hortooda ka sheegaan ama ay qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan balse waxay marwalba usoo marinayeen Idaacada Raadio Hargeysa sida dhacdadan u danbaysay oo markii Jeelka Hargeysa loo taxaabay ka bacdi uun ay labada eedaysane ogaadeen in garsoore Asad ku soo xukumay todoba cisho oo xadhig rumaan ah, taas oo hada maraysa 12 maalmood, go’aankooda danbena malaha laga ogaan-doono uun warbaahinta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here